Hubka iyo Rasaasta Dumarka waqtiga Guurka kadib Akhriso (Qormo Xiiso Badan)

Wednesday 6 February 20130 comments



Inta badan haweenku waxay dadku dhahaan waa Maangaab hasa ahaatee waa Xubin aan marnaba nolosha looga maarmin , Dadaal badan kadib Guurka labada lamaane waxaa Hogaanka guud qabta ragga inkastoo Dumarkuna Dowlada dhexe yihin.


Hubka iyo Rasaasta marka aan leeyahay Bulshadeena Qalinka iyo buuga dhegta uma furaaye waxay kusoo koreen ayeey wax ku fahmaan si aan Jadwalkaas wax ugu fahansiino dareenkoodana usoo jiidano ayaan Mowduuca ugu bixinay.

Haweenku waxay leeyihiin awoodo badan oo ay ku muquurin karaan Seygooda waqtiga guurka kadib , inta badan gabadhu kama nasato Agaasinka gurigeeda waana waxa uu mustaqbalkeedu ku dhismi karo & Guri waaafi ah.

Gabadhu badanaa waxaa suura gal ah ineey waji badalnaasho kala kulantaa seygeeda garan weysana sideey ku xalin laheed balse shabakada Hablaha.com oo talooyin kugu biirineysa ayaa ku faraysa inaad sameysid qodobadaan hoos ku xusan.

In gabadhu mar walbo Afkeeda isku amaanto oo ay Seeygeeda wax tusido , Waxay isku Amaani kartaa in laga arko Gurigeeda bilic wanaaga , waa ineey hagaajiso guriga alaabaha kala habeyso Habeen kasta oo cusub ay firaashka guriga ka dhigto mid soo jiidasho badan.



Tan shaqsi ahaanteedana waa in ay gabadhu isku mashquusho oo ay is hagaajisaa iyadu , xirataa dhar qafiif ah si ay usoo bandhigato Barwaaqada uu Alle ku maneestay.

Hadal macaanida , in gabadhu ay u hadal macaaniso seygeeda iyadoo og inuu waji xir xiranyahay ( Dhoola Cadeyn) nin kastoo aamusan waxaad uga guuleeysan kartaa Dhoola cadeyn waqti walba wajigaaga ha xir xirin .

Waxaa hubaal ah in Seygaagu isbadalkaas dareen badan ku beeri doono cuqdada iyo aamusnaantiina iska hilmaami doono , Hablo badanoo iyagu jecel ineey u faa’iideeyaan Akhristaha kale ee ku dhiban Hubka Dumarka.

Barta hoose fikirkaaga ku xus iyo sida Looga guuleysan karo Nin aannan farxad siin karin Lamaantiisa Mahadsanid




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved