Madaxweynaha Iiraan oo booqasho taariikhi ah ku tagay dalka Masar

Wednesday 6 February 20130 comments




Madaxweynaha Iiraan Mahmoud Ahmadinejad ayaa booqashadii u horeysay oo taariikhi ah ku tagay dalka Masar, kaasoo ah kii u horeeyay muddo 34-sano oo Hogaamiye Iiraan ah uu ku tago tan iyo markii uu Iiraan ka dhacay kacdoonkii Islaamiga ee sanadkii 1979.

Madaxweynaha Iiraan ayaa ka qeyb galaya shir Ururka Islaamka maalinta berri oo Arbaco ah uga furmaya magaalada Qaahira.

Labada Madaxweyne waa Madaxweynaha Iiraan iyo dhigiisa Masar Mohamed Morsi ayaa wada hadalo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal yeeshay, iyadoo isla soo qaaday sidii xal loogu heli lahaa dagaalka dhiiga faraha badan uu ku daatay ee ka socda Suuriya.

Madaxweynaha Iiraan ayaa la kulmay Sheekha Al-Azhar, isagoo u balan qaaday Suniyiinta ku nool dalkiisa ay heli doonaan xuquuqdooda.

Shir Madaxda Ururka Islaamka ee berri ka furmaya Qaahira ayaa waxaa ka qeyb galaya madax badan oo islaam ah, waxaana madaxda shirkaas ka qeyb galaya ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved