Madaxweynaha Somalia oo London kula kulmay saraakill ka tirsan Dowladda Ingriiska iyo Madaxkale++(Sawiro)

Saturday 2 February 20130 comments


 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah oo howl shaqo u jooga London ayaa kulamo la qaatay saraakill sar sare oo ka tirsan dowladda Ingriiska iyo Qaar kale oo kamid ah Beesha caalamka.

Kulamadaan ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeyb-galay R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Sidoo kale Wafdiga ayaa waxaa qaabilay saraakiisha ugu sareyso xagga amniga ee dowladda Ingiriiska ,Waxaana halkaas looga hadlay qaabkii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabadda.Amniga ayaa wuxuu kow ka yahay Lixda Tiir Sayaasadeed ee dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa wuxuu la kulmay hey’adda u qaabilsan dowladda Ingiriiska, dhanka horumarinta.Goobtaas wuxuu Madaxweynaha ka sharaxay qaabka ay dowladda Federaaalka Soomaaliya ku dooneyso in ay u geeyso geeyso adeega bulshada goboladda dalka oo dhan.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Ayaa lagu Wada Caawa in uu la hadlo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada London ee Dalka Ingriiska asagoo ugu Warbiixnayo Xaaladda dalka soomaaliya wuxuuna umahad celiyay Gudiga jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka ingriiska oo Qaban Qaabo xoogan u galay in ay dhigaan xafaladda oo kula hadlayo Jaaliyadda ku Dhaqan Cariga Dalka Ingriiska.








______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved