Konton Kun oo Doolar oo Halis Wadata !!(Warbxin Xiiso leh)

Monday 18 February 20130 comments





“Rasaasta aan Maqleyney Alla Waa Wariye Hebel ee Deriskeennaa ahaa waxa la diley , markiiba Laba Nin oo ka dhawaa  halkii lagu diley Wariyaha ayaa meel Luuq ah ku eryadey  Raggii Diley Wariyaha waxayna  labadii nin markii ay soo galeen Luuqa ayey yara Hakadeen ka dib markii  ay dareemeen  Muqdi yar maadaama uu markaa  Dayaxana uu sii dhacayey, Salaadii Cishana laga soo baxay , inta is fiiryeen ayaa mid yiri “War raga waa noo dhow yihiin aan soo qabano” halkii ayey Oradkii ka bilaabeen, waxay Lugaha Furaan ama ay Ordaan ,waxaa luuqa ka Boodey Wiil Dhalinyaro ah oo markaa marayey , markii uu  Indhaha ka qaadey laba nin  oo dheg la qabta lahayn si aad ah u  Xawaareynaya, Wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa waxaa uu  isagana  Bilaabey  in uu ka  Cararo waxay ka Cararayaan ragaan ,isagoo u qaatey in Nimanka ay Balaayo ka Cararayaan ,waxa la is eryadaba oo la is eryadaba , wiilkii Dhalinyarada ahaa ayaa labadii nin gacanta ku soo dhigeen ,iyagoo is leh maantaa qabteen ninkii Wariyaha Diley ,waxaana markiiba ka daba yimid Xaafadii oo  dhan waxa Wiilkii lagu bilaabey Feer ,Haraati, Ul iyo qof waliba waxa u ay gacantisa ku jirto ayuu la dhacay  ,waa la soo jiidey oo waxaa la keeney  meel Banaan ah  dadka oo dhan waxay u duceynayaan labada nin ee soo qabatey wiilka Wariyaha Diley “ “Gacanta Ilaah idiin kama Gooyo” Labada nin waxay ku dharaanayeen in Wiilkaan uu yahay ninkii Diley Wariyaha Bistooladiina uu Tuurey.,


Xaafaddii oo dhan baa Jug soo tiri waxay dadka ku qaylinayaan “  War yaan gacanta loo gelin Dowlada ee Barta ha lagu Khaariyo oo isku mar ha lala Duugo Wariyaha “ Haweeney ayaa iyana tiri “War waan aqaanaa Wiilkaan  oo aragiisaa iigu yaal hore ayuu u diley Wariye Hebel “ Alla waa Runteed “ “Alla waa Runteed” Waa  ninkii Wariyayaasha Dhameeyey, nin odey ah oo Goobta ku sugnaa  ayaa soo boodey ka dibna inta u soo dhawaadey wiilkii la soo qabtey uu yiri “Wax badan baad fakatey ee maanta waa lagu hayaa sharciga ayaa lagu horgeynayaa “ Qof kale oo ka dhawaa halkii lagu hayey Wiilka ayaa yir isagoo ku qaylinayaa Cod Dheer  “War ma ogtihiin in  Dowladu balan qaadey in ninkii Wariye Dila ee Ruuxii so qabta la siinayo Abaal Gud dhan Konton Kun oo Doolar” Markii Warkaasi uu soo yeerey ayey labadii nine ee soo qabtey Wiilka ayaa nin kasta waxa uu qalbiga gashey in uu isagu leeyahay Kontan Kun ee Doolar “

“Waxaa meeshii ka bilowdey Muran ku saabsan Ciida leh Abaal Gudka waxaana weli Goobta lagu hayaa Wiilkii la soo qabtey “ waxaa uu ku doodayaa war wax Hubsada  anigu wax  ma Dilin “ Markii ay eryadaasi ka soo baxaan waxaa ku dhaca Feer iyo Haraati,waxaa loo xirey laba Dible , Cid  Dheg Jalaq u siineysa ma jirto Calaacalkiisa “ Haweeney ayaa leh “Waaba soo indho Cad yahay  Indho adagaa aniga ma Dilin aa , Heee Heeee Walee maanta waa lagu hayaa, waxaa weli lagu muransan yahay Ciida qaadaneysa Kontanka Kun ee Doolar , intii  dooda soctey ayaa  waxaa yimid Ciidamo Boolis ah .markiiba Katiinad ayey gacamaha uga Boobeen ,waxayna Dadweynaha dhoobnaa Goobta weydiiyeen Ciida Soo qabatey Gacan ku Dhiiglaha markiiba waxay Farta ku fiiqeen Labadii nin, iyagiina horaa loo wadey  , intii la sii wadey ayaa waxaa Diirashada ka eegey Wiilka la sii wado, waaba Wiil aan aqoono , wuxuu weli ku qaylinayaa war wax Hubsada anigu wax ma dilin , yaaba u jeeda warkiisa waa la sii Qadaan Qadiyaa ,waxaa la geeyey Saldhigii Booliiska , Sarkaalkii  meesha ugu sareeye ayaa yiri “ Kan Marqaati uma baahna “

“Labadii nin ee Wiilka soo qabtey ayaa mid waliba waxaa niyada gashey sida  loo siinayo Lacagtaas Abaal marinta ah  mid baa kii kale ku yiri” Saaxiib ninka anigaa soo qabtey anigaa iska leh Lacagta “ kii kalaa soo boodey oo yiri” Saaxiib Ninka anigaa Jalaafo u dhigey sidaana ku qabtey” waxa la doodo Akhirkii waxaa wiilkii la geeyey Maxakamada waxaana lagu Xukumey Dil ka dib markii ay ku marqaati Fureen labadii nin , Hooyadii iyo Aabahii Dhaley Wiilka waa kuwa aan aqaan ,waxay  ka walwalsan yihiin wiilkoodii oo ay ku ogaayeen in uu ahaa Wiil wanaagsan oo Adaab leh oo aan lagu aqoon waxa lagu sheegey , dhowr jeer bay ka  dalbadeen Dowladda in Kiiska si wanaagsan loo baaro “Yaaba u jeeda Warkooda , waxaa lagu yiraahdaa “ Wiilkiina kama war qabtaan ee raali noqda ,

“ Qalbiga ayaa iska irhaadaa .”War maxaa qaadey,Wiilka wuxuu ahaa Wiil wanaagsan oo Waxbarashadiisa ka adag  , Habeenkii la qabanayey waxaa uu ka yimid Masaajidka walee arrintaa waxay u baahan tahay in si taxadar leh loo baaro , hadana markaana maqlo laba nin baa soo qabtey isaga oo falkii ku jira ayaa hadana  Candhuufta dib u liqaa oo is Iraahdaa wax waliba  Baniaadam ka filo dadka Xiliyadaan joogo lama Aamin karo, iyadoo la wada joogo ayaa hadan ruux waliba waxaa uu wataa Howl u gaar ah  marka Ilaah baa wax og ninkii Dulmi lagu diley maalinka Aakhiro ayaa heli doonaa Ajarkeeda”

Markiiba waxaa Tiirka la geeyey  Wiilkii loo soo qabtey Wariyaha Dilkiisa  halkaa ayaa  lagu toogtey , waxaa markiiba  Fariin ii soo direy nin aan saaxiibo nahay oo i yiri”Saaxiib Hebel waa la toogtey “ labadii nin ee wiilka soo qabtey Konton Kun oo Doolar ayaa loo qaybiyey “ Markiiba Naxdin iyo Welwel baa la soo Baraarugey Inta Hurdadii ka soo toosey ,aniga oo qaylinaya ayaa Indhaha Sacabada mariyey “ ayaa iri “Acuudu Bilaah “  Ileen Sheekadu waxay ahayd Riyo “ Alxamdulalilaahi Ilaah baa mahad leh

Sheekadaan Riyada ahayd   waa Fariin ku socota  Dowladda Fedraala siiba Raiisul Wasaaraha oo dhawaan ka dhawaajiyey in Ruuxii soo qabta ama soo sheega qof Diley Wariye in la siin doono abaalmarin dhan Konton Kun oo Doolar inkastoo Dilka uusan ku koobneyn Wariyayaasha Keliya oo maalin waliba la dilo dad aan wax galabsan , marka Riyada waxa tahay mid macno badan bixineysa oo ah in dadka qaarkii iyaga wax hubsan in ay Sameeyaan Fal loo qaadan karo in uu Xaqiiq yahay balse Xad gudub ku ah Bulshada kaasoo u baahan Baaritaan Qoto Dheer, marka waxaan leeyahay dadka ku jira Howlahaan in ay wax Hubsadaan Soomaalida waxay Tiraahdaa “ Hubsiimo Hal Dhan Baa la siistaa” wax waliba waxay u baahan yihiin Taxader waayo Wiilka la diley ee Riyada Tilmaameysey ee la iska soo qabtey isagoo Dambi lahayn iyo labada nin ee igana soo qabtey ee u qaatey in wiilka uu ahaa ruuxii wax Diley ,waxay Dhamaantood   u  baahnaayeen  Cadaalad iyo Garsoor Dhab ah maadamaa uu dhacay Xukun Cadaalodaro ah oo la hubsan, Miskiinkaas waayey Cid u hiila waxaa uu la mid yahay Masaakiinta maalin kasta lagu Xadgudbayo..



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved