Musharax Kenyaan ah oo la weeraray goob uu ka khudbayn rabay” yaa ka danbeeya ma Al-shabaab mise Kenyaan.

Monday 18 February 20130 comments




Iyadoo ay dhaw dahay doorasahada cod bixinta tartanka Madaxtinimada Wadanka Kenya ayaa waxaa soo baxaya dhibatooyin wal wal abuuri kara oo loo malaynayo in lagu khaarijinayo raga u tar tamaya tartankaasi oo tiradoodu gaarayso ilaa 8 musharax oo mid kamid ah ay tahay Haweenay.

Wararka laga helayo dhinaca barri ee wadanka Kenya ayaa sheegaya in Sabtidii taariikhduna ku beegmayd 17/02/2013 laga maqlay qarax aad u wayn goob la filayay in uu mid kamid ah Musharixiinta Tartanka Madaxtinimada Kenya ka khudbeeyo iyadoo la dhigay aalad walxaha qarxa ay ka buuxaan fagaare ku yaala magaalada Gaarisa.

Ngatia Iregi, oo ah ku xugeenka Madaxa barista Danbiyada ee Gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa sheegay in ay heleen cadad gubtay oo ugu yaraan uu mid kamid ah ahaa qof mayd ah iyo  laba bistoolo qaybta dugsiga hoose ee Gaarisa habeenimadii sabtida kadib qarax weyn oo halkaasi ka dhacay.



Mid kamid ah sideeda tartame Martha Karua ayaa loo diyaariyay in uu ololahiisa doorashooyinka ku soo bandhigo galabnimadii Axada garoon halkaasi ku yaala sida uu sheegay Abdirahman Boor, oo ah musharax u ololaynayo xisbiga National Rainbow Coaliation oo ah xisbi kamid ah asxaabta Kenya, waxaana uu xaqiijiyay in dib loo dhigay ololihii uu musharuxu doonayay in uu kaga khudbeeya Magaalada gaarisa.

Codadka doorashada ayaa waxaa ugu sareeysa Karua oo ah gabadha kaliya ee ka qayb galaysa doorashada 4 March ka dhci doonta Kenya , iyadoo shank amid ah sideeduna ay yihiin dadka ugu caansan, Waxaana islamarkii dawlada Kenya ay samaysayGuddiga Doorashada wadankaasi 30 Januarry lagu dhawaaqay in musharixiinta ay la shaqayndoonaan ugu yaraan min shan sarkaal oo adkeeya amaankooda.

Inkasta oo la sheegay in qaraxyada noocaan oo kale ah ay gaystaan Al shabaab hadana waxaa  jirta cabsi laga qabo in xaalado ay keeni karto doorashada Sanadkaan laga yaabo in ay ku lugyeeshaan amaan darida qaarkood gaar ahaan dhinaca tartamayaasha.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved