Hawlgalo dad badan lagu qabtey oo Gaalkacyo ka dhacay

Thursday 7 February 20130 comments




Ciidamada amaanka ee Gobolka Mudug ayaa habeenimadii xalay sameeyey hawlgal ballaran oo lagu soo qabtey dhalinyaro aad u badan kuwaas oo la sheegay in ay ku dhawyihiin 100 qof.
Dadka lagu soo qabtey hawlgalkii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa hadda ku sugan Saldhiga Dhexe ee magaalada, waxaana intoda badan laga soo qabtey mid kamid ah masaajida magaalada Gaalkacyo, Dhalinyaradan ayaa qofkii la garto oo caddeeya qofka uu yahay la siideynaayey halka qofka laga shakiyo xabsiga lagu reebayey isla markaana baaritaano dheeraad ah lagu samaynaayo.
Maamulka Gobolka ayaa sheegay in ay heleen xog sheegaysa in ay magaalada soo galeen dhalinyaro doonaya in ay falal amni darro magaalada ka ridaan. Amniga Gaalkacyo ayaa bilihii danbe ka soo raynayey waxaana yaraadey falalka amni darrada ee halkaas ka dhacayey inkasta oo mararka qaarkood ay dhacaan dilal qorsheysan.
Maalintii shalay (Salaasa) ayaa magaalada Gaalkacyo Madaxweynaha Puntland u magacaabey Guddoomiye oo horey u ahaan jirey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cabdi-salaad, waxaana duqii hore lagu wadaa in uu ku waro dhanka ciidanka daraawiishta.
Hablaha Media Network
Gaalkacyo, Somaliya


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved