Fadeexadii ka dhacdey Gaalkacyo kadib furitaankii xafiiska xisbiga Horsed (Sawiro)

Thursday 7 February 20130 comments


Waxaa maalintii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug arrimo aad loola yaabey, kuwaas oo qaarkood lagu tilmaami karo fadeexad iyo masuuliyad darro.
Iyada oo waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo ay marar badan ku baaqeen in aan wax xafiis Xisbiyada Puntland looga dhawaaqey  laga furi karin Gaalkacyo, Waxgaradka ayaa sheegay in aysan ka soo horjeedin nidaam wanaagsan oo Dimoqraadiyad lagu gaari karo laakiin waxa Puntland ka socda in ay tahay riwaayad Faroole dhigaayo isla markaan aan xalaal ahayn, ayaa waxaa maanta laga furey Xafiiskii Xisbiga Horsed ee ay ku bahoobeen dhamaan kuwa haya talada Puntland.
Furitaankii Xisbiga ayaa waxaa ka qayb-qaatey ciidamo badan oo ah Booliska, iyo Daraawiishta kuwaas oo isku gadaamey sarta laga furaayey oo ku taala agagaarka xero Inji ee xaafadda Israac, aqal uu iska lee yahay nin ay qaraabo yihiin Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamad Yuusuf Jaamac (Tigey).
Ciidamada dowladda iyo gawaaridii dowladda ee loo isticmaalayey furitaanka xafiiska ayaa caqabad ku noqdey Masjidka Abuqurera ee ka soo horjeeda guriga laga furaayo kadib markii ciidamadu halkaas saldhig ka dhigteen, ayna baaritaan ugu dhaqaaqeen dadka masaajidka gelaaya.

Fadeexada kale ee ka dhacay maalintii shalay markii xafiiska la furaayey ayaa ahayd kadib markii waxgaradka  uu metalayey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Tigey ay soo saareen baaq liddi ku ah furitaanka xisbiyada kuna sheegeen  in arrintaasi amniga khal-khal gelineyso ayna ka digeen in xafiisyo la furo, ayaa waxaa isla shalay ku banaanbaxay dadweyne ka carayssan furitaanka xafiiskaas, kadib waxaa kamid  noqdey askartii Gudoomiyihii Gobolka Mudug oo la arkey isaga oo sita qori  AK47 weliba ku hanjabey in uu isticmaalayo haddii ay isku dayaan in ay u soo dhawadaan dadkaasi, Dimoqraaddiyaddu  qori qaado miyaa?  ayey ku dhawaaqayeen dadkii halkaas ku banaanbaxay.

Arrimaha kale ee dadku la yaabeen ee maanta Gaalkacyo ka dhacay ayaa ah kadib markii shalay xafiiska si xoog ah iyo ciidamo badan lagu furay ayaa maanta xeryaha Barakacayaasha ee Gaalkacyo si khasab ah lagu soo daabuley dadkii ku jirey oo diiwaan gelinta loo isticmaaley, dadka ayaa loo sheegay in ay helayaan xoogaa lacag ah iyo raashin, keliya waxaan doonaynaa 330 qof magacood ayaa la yiri qofkii diida magaalada waa laga tarxiilayaa taas oo ahayd fadeexad iyo arrimo ka dhan ah xuquuda dadka gudaha ku barakacay ee IDP.
Masuuliyiinta Gobolka oo isku qab
sadey guriga laga furaayo xisbiga, sida ay 
sheegtey danguud.com- Sawir
ka 6/2/2013 By Danguud
Habeenimadii xalay waxaa magaalada Gaalkacyo lagu daadiyey waraqo looga soo horjeedo Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Faroole, waxaana warqadahaas ku qoran Dooni mayno Faroole, dooni myano Horsed, iyo erayo kale.
Sheekada u weyn ee maanta Gaalkacyo la is-weydiinaayo ayaa aheyd, xafiiska xooga lagu furtey, Tiknikada dowladda ee loo isticmaalayo arrimaha xisbiyada, iyo dadka barakacayaasha ah ee gaboodfalka lagu sameeyey isla markaana magacooda loo isticmaalayo siyaabo qaldan iyo dimoqraadiyadda Dhishiikaha lagu keenay, halkii ay ahayd mid shacabka ka timaada.
Horey ayaa Xisbiga Midnimo loogu diidey in ay furtaan xafiiskooda, waxaana gurigii ay kireysteen boorarkii ka soo dejiyey dhalinyaro diidan nidaamkaas, masuuliyiinta Midimo aya isaga soo tegey isla amrkaana ku tilmaamey in Xisbigooda dano gaar ah laga lee yahay.


Hablaha Media Network 
_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved