Gudoomiyayaasha gudiyada Baarlamanka F.Soomaaliya oo siminaar uga socdo Nairobi.

Saturday 23 February 20130 comments




Gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa siminaar ku sabsan fulinta qorshe howleedka Baarlamaanka uga furmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Siminaarkan oo magaalada Nairobi uga soconaya guddoomiyayaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamanka Federaalka Soomalaiya,  ayaa waxaa Khamiistii aynu ka soo gudubnay xariga ka jaray guddoomiyaha Baarlamanka mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Simaanrka ayaa ku saabsan sidii loo dardar gelin lahaa howlaha Baarlamanka ama fulinta xeer hoosaadka baarlamanka oo hore xildhibaanada Baarlamanku u ansixiyeen iyo qorshayaasha baarlamanka horyaala sidii loo fulinlahaa Afarta sano ee soo socota.

Gudoomiyaha gudiga amniga Baarlamanka Soomaaliya xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in siminarka ay casharo ka bixinayaan qubaro aqoon durugsan u leh howlaha baarlamankaisla iyadoo fikrado la isku dhaafsandoono qaabka loo horgelindoono howlaha baarlamanak sanadaha soo socda.

Maalinta berito ah oo ay taariikhdiu ku beegantahay 24 ka Fedrayo ayaa lagu wadaa in siminaarkaasi lagu soo gebagebeeyo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved