Maamulka Somaliland oo xukun kuriday Xildhibaan Jaamc Axmed Maxamed oo kamid ah baarlamanka Soomaaliya.

Saturday 23 February 20130 comments





Maxkamada gobalka Maroodi Jeex ee Hargeysa ayaa waxa ay kuriday Xildhibaan Jaamc Axmed Maxamed oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in laga soo masaafuriyo deegaanada Somaliland iyo inlaga qado lacago ganaax ah.

Xukunka Maxkamaddu ku riday Xildhibaankaasi ayaa waxaa kujira in Hal Milyan oo shilling Somaliland ah Ganaax ahaan looga qaado.

Xildhibaankaan oo kazoo jeda gobalada leesku yiraahdo Somaliland ayaa waxaa lashegay in waqtiga loo qabtay in deegaanadaasi looga soo saaro ay tahay uun 24 saac oo kali ah.

Xildhibaanka ayaa waxaa horay gacanta ugu dhigay ciidamada amaanka maamulka Siilaanyo oo ku eedeeyay in uu maleegayay howla ka dhanka ah maamulka Hargeysa ee gooni u goosadka u ola oleynaya.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved