Faahfaahin : Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo lagu dilay Garowe isaga oo salaad ku jira (Daawo ninka loo qabtey dilka)

Saturday 16 February 20130 comments

Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax
Eedeysanaha Dilkad Geystay


Inaalillahi Wa inaa illeyhi Raajicuun

Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta (Jimce) lagu diley magaalada Garowe al-Waalid Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ahaa culimadda ugu waaweyn diinta Islaamka faafisa dalka Soomaaliya.

Shiikha ayaa lagu diley isaga oo ku jira Rakcaddii 4aad ee salaadda Casar Masjidka Bedar magaalada Garowe kaas oo aan ka fogeyn guriga uu deganaa Shiikh Cabdulqaadir, waxaana kan diley shikha ka soo toogtey daaqaddii (dariishad) ku beegneyd halka uu Masaajidka kaga tukanayey Shiikhu.

Ninka lagu eedaynayo in uu dilka geystey ayaa isku dayey in uu ka baxsado halkaas, laakiin waxaa eryoodey wiil uu dhalay Shiikh Cabdulqaadir rabbi ha u naxaristee, kadibna waxaa ku kacay dadkii xaafadda oo dhan kuwaas oo isku dayey in uu xabbad isaga celiyo, waxa uu dhaawacay wiil iyo gabadh ka mid ahaa dadkii eryoonayey, ugu danbeyntii markii rasaastii ka dhamaatey waa la qabtey, waxaana loo geystey jirdil kadibna waxaa lagu wareejiyey Booliska, isaga oo ka xiranlabada gacmood ayaa saldhiga dhexdiisa waraysi looga qaadey waxaana wejigiisa ka muuqdey dhiig, waxaana waraysi la yeeshey qaar kamid ah Boolisjka, qof kamid ah dadkii waraysiga qaadayey ayaa ka duubey Muuqaal (Amateur Video kaas oo lagu dhexfaafiyey FACEBOOK.

Halkaan Riix Si Aad u Daawato  Muqaalka Wiilka Dilka Geystay  (Video)




Muuqaalka eedaysanaha
Ninka dilka geystey ayaa la sheegay in uu ahaa nin dhalinyaro ah oo da’diisu u dhexayso 16 – 20 sano.
Dilka Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo qiyaastii ku jirey cimrigiisa in ka badan 70 sano ayaa si weyn looga argagaxay, waxaana magaalada Garowe qabsadey murugada iyo, tiiraanyo iyo ciil kan dhashey dilkii foosha xumaa ee Shiikh loo geystey, waxaana galabnimaddii hore ee maanta dariiqyada soo buuxiyey dad ay wejiyadooda ka muuqato murugo iyo yaab.


Shiikh Maxamed Xaaji Yusuf ayaa saxaafadda u sheegay in aaska Shiikha la isku waafaqey in uu dhaco berri Salaadda Duhur kadib, oo lagu aasi doono magaalada Garowe. Waxaa durba ka soo baxay magaalooyinka waaweyn ee ku yaala Soomaaliya culimo, iyo ardey kuwaas oo doonaya in ay qayb ka noqdaan shiikha isaga oo tukanaya la diley.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved