Dowlada Somaliya oo si rasmi ah u codsatay in Cunaqabateynta hubka laga qaado

Friday 15 February 20130 comments



Raysalwasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Fowsiya Yusuf ayaa xalay Golaha Amaanka kasoo jeedisay khudbada ay dowalda taageerada uga codsatay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka.



Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhigoodii xalay [14 Feb 2013]  ay ku yeesheen New York khudbad dheer kasoo jeedisay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Fowsiya Yusuf oo ka hadashay codsiga Dowlada Soomaaliya u direyso beesha Caalamka.

Ugu horeyntii ayey khudbadeeda ku sheegtay Marwo Fowsiya in maanta dalka Soomaaliya dib uga soo kabanayo dagaaladii sokeeyo isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed ay qabaan rajo wanaagsan iyo mustaqbal wanaagsan oo xiligan usoo iftiimaya.

Fowsiya ayaa sheegtay in dib usoo nooleynta Soomaaliyda cusub ay saldhig u noqoneyso maamul wanaag iyo qodobo ay kamid yihiin: Sugida Amniga, Maamul iyo Garoos cadaalad ah, Kobcinta dhaqaalaha iyo ganacsiga, horumarinta iyo gargaarka bini’aadamnimo, soonooleynta xiriirkii Somaliya iyo Beesha Caalamka, illaalinta iyo xoojinta madax banaanida dowlada iyo dhulka Soomaaliya.

La dagaalanka Al Shabaab:

Raysalwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in guulo waaweyn laga gaaray dagaalkii ay dowlada iyo ciidamada AMISOM la galeen Al Shabaab, isla markaana laga saaray dhul badan oo ay ku jirto caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxayna sheegtay in hawlgalkaasi uu sii socon doono illaa guul rasmi ah laga gaarayo kooxdaasi amniga khatarta ku ah.

Maamul Gobaleedyada:

Dowlada Soomaaliya waxay hada bilowday oo ay wadaa sidii loo dhisi lahaa maamulo gobaleedyada dalka Soomaaliya oo laga soo dhisayo heer hoose. Shacabka ku dhaqan gobalada ayaa soo dhisan doona maamuladooda sida ku xusan Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya. Dhismaha maamul gobaleedyada waxay xoojineysaa xiriirka dowlada dhexe ee Federaalka iyo bulsho weynta Soomaaliya, middaasi oo muhiim u ah adkeynta madaxbanaanida iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, ayey tiri Fowsiya Yusuf oo khudbada ka horjeedineysay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Qaadista Cunaqabateynta Hubka

Marwo Fowsiya oo khudbadeeda sii wadata ayaa sheegtay in arrimaha sugida amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya ay laf dhabar u tahay ciidamo awoodleh oo uu yeesho dalka Soomaaliya.

Lagama takhalusiko khatarta kooxda Al shabaab iyadoo aan la helin ciidamo Soomaaliyeed oo awoodleh, waana mida ay dowlada Soomaaliya hada ku dooneyso inay dhisto ciidamo xoogleh.

Hadii la doonayo in wakhtigii loogu talo galay lagu sugo amniga KOONFURTA Soomaaliya waa lama huraan in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxay dowlada xaqiijineysaa inay adkeyn doonto hay’adaha dowliga ah si aan hubka si khaldan gacanta ugu gelin dadka aan loogu talo gelin. Sidoo kale waxay dowlada wax badan ka qaban doontaa dhowrista xaquuqul insaanka iyo ka hortaga falalka ka dhanka ah Saxaafadda iyo haweenka Soomaaliyeed, ayey tiri Fowsiya Yusuf oo khudbadeeda uga jawaabeysay walaac Qaramada Midoobay ka qabaan xaalada xuquuqul insaanka ee dalka Soomaaliya.

Dhamaan horumarka la doonayo in laga gaaro dib u dhiska iyo xasillinta Soomaaliya waxaa la gaari karaa markii  la helo taageero dhameystiran oo ka timaada dhanka beesha caalamka oo gacan naga siiyaan dhanka farsamada iyo dhaqaalaha, ayey tiri Fowsiya Yusuf.

Mahadnaq Midowga Afrika iyo AMISOM

Somaliya waxay u mahadnaqeysaa wadamada IGAD iyo Midowga Afrika guulihii laga gaaray Roadmapkii iyo dagaalkii AMISOM la galeen kooxda Al Shabaab, iyadoo dowlada Soomaaliya u mahadnaqeyso wadamada ay kasoo jeedaan ciidamada AMISOM.

Somaliya waxay hada dooneysaainay dib u dhisato ciidamadeda sida ay ulla wareegaan guud ahaan amniga dalka, ayaa lagu yiri khudbada Wasiirka.

Fowsiya Yusuf ayaa geba gebada khudbadeeda ku baaqday in dhamaan xafiisyada Qaramada Midoobay ee Nairobi loo soo raro magaalada Muqdisho, isla markaana Qaramada Midoobay bilowdo Barnaamij balaaran oo dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale Fowsiya Yusuf martiqaad u dirtay dhamaan xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inay yimaadaan magaalada Muqdisho oo ay arkaan horumarka nabadeeda ee halkaasi laga gaaray.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved