Dowlada Somaliya oo diiday in AMISOM illaaliyaan Bada Soomaaliya

Friday 15 February 20130 comments




Dowlada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diiday in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM awoodahooda loogu daro inay illaalin karaan bada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa diidmadan u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo xalay magaalada New York ku yeeshay kalfadhiga looga hadlayo Qorshaha mustaqbalka Qaramada Midoobay ee ku aadan dalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya Fowsiya Yusuf oo ka hadashay kulankii Golaha Amaanka ayaa markale ku celisay diidmada dowlada Soomaaliya ay diiday talooyin horey uga soo baxay shirkii la dagaalanka Burcad badeeda ee sanadkii hore ka dhacay dalka Sychelles.

Midowga Afrika ayaa horey talooyin ay usoo jeediyeen ku sheegay in ciidamada AMISOM awood dheeraad ah loo siiyo la dagaalanka Burcad badeeda Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM oo iyagu loo keenay Soomaaliya nabad illaalinta gaar ahaan dhanka Dowlada Soomaaliya, ayaa horey sare loogu qaaday awoodooda sanadkii 2010 oo loo ogolaaday inay dagaalo toos ah la geli karaan kooxda Al shabaab ee la dagaalameysay dowlada Soomaaliya.

Codsiga hada kasoo baxay dhanka Midowga Afrika ee ku aadan in AMISOM xiligan awood loo siiyo la dagaalanka burcad badeeda ayaa ah mid ay ku gacanseedhay dowlada cusub ee Soomaaliya.

Fowsiya Yusuf ayaa si kulul u sheegtay in dowlada Soomaaliya kasoo horjeedo  in AMISOM in awooda nabadsugida bada Soomaaliya lasiiyo. “…Kuma jirto qorshihii iyo awoodihii lasiiyey ciidamada AMISOM illaalinta dhanka bada Soomaaliya…” ayey tiri Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya.

“…Waa in la dhisaa ciidamada Bada ee Soomaaliya taas waa in xooga la saaraa
maaha in AMISOM loo warejiyo dhanka bada arrintaasi waa mid khuseysa dowlada, beesha caalamka waa inay dowlada Soomaaliya gacan kusiisaa dhismaha ciidamada bada….” ayey khudbadeeda ku tiri Marwo Fowsiya Yusuf 

Dooda Bada Somaliya iyo Kenya

Waxaa horey u jirtay murran xoogan oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ku aadan dhul badeedka u dhaxeeya labada dal, iyadoo dowlada Kenya sheegatay qaar kamid ah bada Soomaaliya ayna dooneyso in halkaasi laga baaro Gaaska iyo Batroolka.

Xubno kamid ah dowladihii hore ee Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeyey inay heshiisyo hoose la galeen dowlada Kenya, walow ay arrintaasi beeniyeen.

Dowlada Kenya ayaa hada si rasmi ah uga mid ah ciidamada AMISOM, ayaa ku sugan gobalada Jubooyinka Soomaaliya iyo magaalada xeebta saaran ee Kismaayo, ciidamadaasi oo ay  gacan siinayaan ciidamada bada Kenya oo maraakiibtooda ku sugan yihiin biyaha dalka Soomaaliya.

Fowsiya Yusuf ayaa sheegtay in AMISOM aan loo xil saari karin la dagaalanka burcad badeeda, arrimahaasna horey guul weyn ay uga gaareen ciidamada Beesha Caalamka ee ku sugan biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ayaa sheegtay in caalamka uu ka taageero dowlada Soomaaliya sidii ay u hanan lahayd badeeda iyo dhulkeeda oo loo dhisi lahaa ciidamada Soomaaliya iyadoo la qaadayo cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Soomaaliya.

Dhuxusha Soomaaliya:

Fowsiya Yusuf ayaa sidoo kale ka hadashay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya oo lagu mamnuucay qaraarkii kasoo baxay golaha amaanka ee 2033, waxayna sheegtay in dowlada Soomaaliya ay arrintaasi si weyn usoo dhaweenayso, waxayna ku baaqday in Ciqaab lagu soo rogo dadka ka ganacsada dhuxusha.





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved