Dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatey in ay ka jawaabto codsi Shirka Jubbooyinka looga diray

Saturday 23 February 20130 comments

Guddiga kumeelgaarka ah ee Jubada Hoose ayaa horey u sheegay in 23/2/2013 uu furmaayo shirkii ka talinta aayaha Jubbooyinka, isla markaana lagu dhisaayo maamul ay yeshaan gobolada Jubbooyinka ayaa dib u dhac ku yimid.



Afhayeenka guddiga qabanqaabada shirka Macalim Max’ed Ibraahim oo shalay saxaafadda la hadley ayaa si rasmi ah u sheegay in shirkii dhici lahaa maanta oo Sabti ah dib u dhacay, sababaha ugu weyn ee uu dib u dhacaas ku sheegay in warqad casumaad ah oo rasmi ah ay u direen Dowladda Federaalka in ay shirka ka soo qaybgasho oo guddoomiso, taas oo aysan ka helin wax jawaab ah ayuu yiri.

Macalim Max’ed Ibraahim ayaa sheegay in ay ka war-sugayaan jawaabta dowladda isla amrkaana ay ku rajo weyn yihiin in ay ka soo jawaabaan codsigooda shirkuna furmo, mana aanu sheegin xilliga rasmiga ah ee uu dib ugu dhacay shirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan ku qanacsaneyn in maamul ka dhexeeya labada Jubbo iyo Gedo la dhiso, waxaana ay doorbidayaan in gobolkasta maamul kumeel-gaar ah oo ay iyagu soo magacaabaan u sameeyaan, taas oo dadka deegaankaas iyo weliba dowladihii ku kaalmeeyey in meelaha qaarkood al-Shabaab laga saaro ay ka soo horjeedaan.



Shirka la iclaamiyay in 23-ka bishan oo ku beegan maanta lagu qabto Kismaayo ayaa waxaa horay uga horyimid Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoojeeda Jubbooyinka oo codsaday in dib loo dhigo Dowladdana ugu baaqay inay soo farageliso islamarkaana wax badan ay u sinnaadaan maamulka Jubbooyinka beelaha wada dega deegaannadaasi.

Dhismaha maamulka Jubbaland ee hoostaga Dowladda Federaalka ayaa noqdey tijaabo lagu eego in Dowladda Federaalku diyaar u tahay dhismaaha maamul goboleedyada iyo in ay dooneyso dowlad dhexe oo goboladu hoostagaan isla amrkaana cirka u laaleysa in goboladu dhistaan dowladdu ay ku mideysan yihiin taas oo dastuurku siinayo.

Hablaha Media Network



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved