Daawo Sawirrad dowlada Turkiga oo mid kamid ah Xerayaha Barakacayaasha Muqdisho u bedeli rabta xeryaha qaxootiga ee ugu wanaagsan dunida.

Saturday 23 February 20130 comments

Dowlada Turkiga ayaa maanta waxa ay ka hirgelisay Xerada Rajo oo kamid ah xeryaha Muqdishu ugu weyn ee ay ku noolyihiin dadka Barakacayaasha goob ay Caruurta Iskulaadka dhigata ay naftooda ku madadaaliyaan xilliga ay kanasanayaan wax barashada.


Xerada Barakacayaasha Rajo oo ku taalla degmada Wadajir ayaa horay dowlada Turkiga oo ah udub dhexaadka gurmadkii Soomaaliya loo sameeyay xilligii abaaraha waxa ay horay uga hirgalisay Iskuulaad iyo goobo caafimaad.

Kaamka Rajo waxaa ka gacanta ku haaya hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga, waxa uuna noqonayaa kaamka kaliya ee xilligaan Soomaaliya gudaheeda ku yaalla oo ah xarun barakacayaal ay ku noolyihiin oo si rasmi ah looga war qabo.

Xafalad lagu furayo xarunta caruurtu kumadadaasho oo kadhacday isla Kaamka ka qeyb galay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Ariamaha gudaha Soomaaliya Abuukar Daahir Cusmaan, safiirka Dowlada Turkiga, Dr. Kamaludin Kani iyo Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga Mr. Serdar Gunel.








______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved