Daawo Shiikh xassan daahir oo ka hadlaya dilkii Shiikh C/qaadir Nuur faarax” Yuu ku eedaynayaa”

Saturday 16 February 20130 comments


Shiikh xassan daahir Aweys oo kamid ah saraakiisha sare ee Al shabaab ayaa ku tilmaamay falkii lagu dilay Shiikh C/qaadir Nuur Faarax mid aad u xun kana baxsan qawaaniinta diinta islaamka, waxaana uu sheikh Xassan tilmaamay in cid kasta oo ka danbeeysay falkaasi dilka ah uu canbaareeynayo.

‘wadaad haduiu yahay iyo hadii uu gaalo raacyahayba waa mid uu ilaah hay agtiisa uga helayo wixii uu ku dhaqaaqay oo ahaa dil nin culimo ah oo waliba uu ku dhex dilay masjid dhex diisa, ayuu yiri Shiikh Xassan Daahir Aweys oo aad u tilmaamay taariikhda Shiikh C/qaadir Nuur oo ahayd mid culimadu isku raaceen in uu waqtigiisa adduunyo ku dhamaystay faafinta iyo  wacyi galinta diinta islaamka.

Shiikh xassan Daahir oo wali ka tirsan xarakada Al shabaab ayaa isagu si gaar ah isaga barri yeelay in fal noocaas oo kale ah aanu raali ka ahayn cidii ku dhaqaaqdana uu u arkayo cid dhibaataynaysa diinta Islaamka islamarkaana indhaha tiraysa Umaddaha Muslimiinta ah .

Shiikh xassan ayaa sidoo kale sheegay in  aanu mawqifkiisii dhinaca nidaamka soomalaiya aanu waxba iskabadalin uuna doonayo dawlad ka hortagta cadawga , isagoo qiray in Hogaanka sare ee Dawladaani uu ka yara duwan yahay kii ka horeeyay ee Shiikh Shariif balse wali wadankii gaalo ayaa haysata oo shacabkii baa bi inaysa ayuu yiri Shiikh xassan oo ka gaabsanayay  ka hadalka arrimaha siyaasada oo aanu diyaar u ahayn.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved