81 qof oo ku dhimatay Qaraxii Pakistaan iyo Eedaynmo loo jeediyey dowlada

Sunday 17 February 20130 comments


Waxaa maalinimadii shalay Qarax bambaano oo xoogleh oo ka dhacay magaalada Quetta ee dalkaasi Pakistaan ku dhintay ugu yaraan 81 qof.


Gaari katarabiil ah oo lasoo saaray haan weyn oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la hordhigay suuqa ugu weyn ee magaalada Quetta ee dalka Pakistaan, qaraxaasi lala beegsaday dadka shiicada ah ayaa waxaa sheegtay koox sunni ah.

Nawab Zulfikar Magsi, Guddoomiyaha gobalka Balochistan oo ah halka weerarkan uu ka dhacay ayaa sheegay in eeda ugu weyn ay leeyihiin ciidamada amniga iyo Sirdoonka oo uu sheegay inay ku guul dareysteen inay ka hortagaan kooxaha weerarada noocaan ah geysta.

Dalka Pakistaan ayey ka dhacaan weeraro salka ku haya diinta oo inta badan u dhaxeeya dadka shiicada ah iyo sunnida dalkaasi, weeraradan ayaa waxaa iyaguna garab socda qaraxyo kala oo ay soo abaabulaan kooxda Talibanka ee dagaalka kula jirta dowlada Pakistaan.

Dowlada Pakistaan ayaa hada si weyn loogu eedaynayaa inay awood u weysay ka hortagida kooxaha qaraxyada ka wada dalkaasi, iyadoo hada eedaynmahan uga imaanayaan siyaasiyiinta mucaaridka ah iyo guddoomiyaaha gobalada dalkaasi.

Hablaha Media  Network 2013


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved