Amanda Lindhout ” Burcada Soomaalida waxay iigeysan jireen Kufsi wadareed oo maalin walba ah ”

Sunday 17 February 20130 comments




Saxafiyadda u dhalatay dalka Canada, ee lagu magacaabo Amanda Lindhout oo muddo 460-maalmood afduub loogu haystay gudaha dalka Somalia sannadkii 2008-dii ayaa markii ugu horreysay shaacisay inay Maleeshiyooyinkii ay u afdubnaayeen si joogto ah u kufsan jireen.

Saxafiyadda oo iyada iyo Sawir-qaade u dhashay daalka Australia lagu afduubtay duleedka magalladda Muqdisho bishii August 23-kii ee sannadkii 2009, ayaa hadalkaasi ku sheegtay mar ay shalay subax Wareysi siinaysay Telefishin laga leeyahay dalka Canada, waxayna xustay inay Maleeshiyooyinka silsilad ku xireen muddadii ay haysteen, isla markaana ay jirdil iyo kufsi waadareed kula dhaqaaqi jireen.

Saxafiyadda, waxay kaloo tilmaamtay in ragga kufsan jirey ay ahaayeen rag ad u da’yar oo da’doodu ka hooseyso 20-jir, kuwaasi oo ay xustaay inay jirdil iyo kufsi saf-mareen ah malin kasta kula kici jireen.

‘Waxaan ahay qof ka soo badbaaday Kufsi iyo Jirdil” ayey ku cawatay Amanda, oo iyadu hadalkan shaacisaay iyadoo ay Haweenka Caalamka dhigeen Dibadbax looga cabanayo Kufsiga, iyadoo Dibadbaxaasi loogu daray Dibadbixii Malyuunaadka “One million Rally”.

Amanda Lindhout waa Saxaiyad Madax-bannaan, oo horey uga soo shaqeysay dalalka Somalia, Afganistan iyo Ciraaq, waxayna markii lagu afduubanayey Somalia dhowr sanno ka hor la shaqeyn jirtey Pres Tv oo dalka Iiraan laga leeyahay.

Saxafiyadaasi dhibanaha ah, waxay haatan caawisaa Haweenka La-kufsado, iyadoo W/barasho iyo Dhaqaale ku saacida Gabdhaha Soomaaliyeed.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved