Daawo: Buuq hareeyay munaasabad su’aalo lagu weydiinayay Madaxweyne Silaanyo iyo Maxame C/laahi oo la weeraray.

Thursday 14 February 20130 comments




Xaflad ka dhacday Magaalada London oosu aalo lagu weydinayay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo  ayaa inteeda badnayd ku dhamaatay Buuq kadib marki qaar kamid Jaaliyada reer Somaliland ay Madaxweynaha weydiiyeen su aalo aad u adkaa o qaar kood si toos ah wax uga sheegayay Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed C/laahi.

Maxamed Haaruun oo ahaa aqoonyahan Soomaaliland ka soo jeeda ayaa ku so bandhigay goobta warqad uu ku tilmaamay in ay ka soo baxday Xaafiska wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland taasi oo loo diray Xaafiiska arrimaha dibadda  Britain laguna tilmaamayo in Xukuumada Somaliland ay ku fashilantay sugida amaanka gudaha Somaliland.

Inti uu taagnaa aqoonyahankaasi ayaa waxaa gobtii uu fadhiyay Madaxweyne Siilaanyo waxaa qabsaday buuq iyado dadkii hagayay xafladana ay awoodi kari waayeen in ay fadhiisiyaan aqoonyahanka weerarayay Xukumada uu hogaamiyo Somaliland oo isagu indha la aa.



Waxaa kale oo waxyaabihii uu halkaasi ka so jeediyay kamid ahaa in Maxamed C/laahi uu yahay shakhsi kaliya o iska wareegaya kana socda wasaarad qaro wayn islamarkaana aan u ogolayn dad kale in ay wasaarada la maamulaan.
Waxaa kale oo gobta lagu soo bandhigay arrimo la xirira in qaar kamid ah Xukumada Somaliland ay xiriir dhaw la leeyihin Al shabaab , balse aanay Dawlada Silaanyo doonaynin in ay arrintaasi wax ka qabato





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved