AMISOM Oo Lagu Eedeeyay Ineey Warbixin Qaldan Kasoo Saareen Dadkii Ay Ku laayeen “Leego”

Thursday 14 February 20130 comments


Mudo haatan laga joogo bil islamarkaasna ku beegnayd 14-kii January, ayaa Ciidamada AMISOM waxay dad shacab oo ay ku sheegn ineey ahaayeen Al-shabaab ku xasuuqeen deegaanka “Leego” ee gobolka Shabeelada Hoose.

Doowlada ayaa arintaan u xilsaartay gudi soo baara dhacdadaan islamarkaasna warbixin kasoo diyaariya, gudigaan ayaa waxaa kamid ahaa Xilibaano Baarlamaanka oo kuu kamid yahay Xilibaan (Daahir Amiin Jeesoow), Xilibaanka oo la hadlayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in baaritaankooda ay ku ogaadaan in dadkaas markii la laayay warkii ay kasoo saareen AMISOM uu ahaa mid qaldan lagana been sheegay.

Xilibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in AMISOM dadkaasi ay ku tilmaameen Al-shabaab, taasoo uu xusay ineey tahay mid been ah islamarkaasna lagu doonayo in lagu xalaaleeysto dhiiga dadka aan waxbo galabsan ee ay AMISOM halkaas ku xasuuqday.

Xilibaanka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatada ay AMISOM u geysatay dadkaas, waxaana uu sheegay in hadii ay yihiin Xilibaanada qaranka ay wax ka qaban doonaan tacadiyada ay AMISOM kula kacdo rayidka.

“Dadkii ay dhibaatada gaarsiiyeen ayay hadane Al-shabaab kusii tilmaamaayaan, waa qalad, waa qalad, arintaasna wa ka Gil-gilaneeynaa dadkaasna wax walbo ayaan u qaban doonaa insha ALLAH” sidaa waxaa yiri Xilibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Xilibaan Daahir Amiin, waxaa dhanka kale uu sheegay in baaritaankii ay sameeyeen wax badan kusoo ogaadeen ayna soo bandhigi doonaan cadeymo rasmi ah oo ku aadan qaabkii ay AMISOM dadkaasi u xasuuqday, waxaana uu sheegay in cadeymahaas ay kamid noqon doonaan Sawiro iyo rasaastii lagu laayay dadkaas oo ay dhulka kasoo bixiyeen.

“Inaan soo bandhigno ayaan dooneeynaa wixii aan soo aragnay, maadaama iyaga ay naga sugi waayeen noona wici waayeen si aan baaritaankii wadajir ugu soo saarno, xaqiiqda dhabta ahna maalmaha soo aadan ayaan soo bandhigeeynaa, waxaana kujira Sawiro iyo rasaastii laga soo qaaday meeshii ay dadka ku laayeen” ayuu markale Yiri Xilibaan Jeesoow.

Xildhibaanka ayaa sheegay in warbixinta ay gudigani soo saareen aysan ahayn midii saxda ahayd ee la rabay iney si wada jir ah u soo saaraan gudiga isku dhafka ah ee ka kala socda dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in warbixintaasi ay tahay mid u gaara Saraakiisha Amisom isla markaane aysan ahayn wax u cuntami kara shacabka Soomaaliyeed ee eheladoodii lagu gumaaday deegaanka Leego.

AMISOM, ayaa iyadu sheegatay in ay ku qasbanaayeen in ay dadkaas laayaan maadaama sida ay sheegeen weerar looga soo qaaday halkaas, laakiin waxaa xusid mudan in dadkaas ay dhamaantood ahaayeen Caruur ku jirtay dugsi quraan, iyo dad ku sugan guryahooda wax shuqul ahna aan ku lahayn sheegashada AMISOM.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved