Axmed Madoobe: Dhawaan ayuu furmayaa shirkii aayaha Jubooyinka looga hadlaayey

Thursday 7 February 20130 comments




Guddoomiyaha guddiga kumeelgaarka ah ee Jubada Hoose Shiikh Axmed Madoobe ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmayo shirkii looga hadlaayey aayaha gobolada Jubbooyinka isla markaana maamul loogu samaynayo.
Axmed Madoobe oo shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Kismaayo ayaa sheegay in furitaanka shirka ay ka soo qaybgeli doonto Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay shir aayaha looga tashanayo. Axmed Madoobe ayaa shir saxaafadeedkiisa ku sheegay in wada shaqeynta ay leeyihiin Xukuumadda federaalka ah ay tahay mid aad u wanaagsan.
Maamul u samaynta Jubbooyinka ayaa noqdey mid lagu shaabadeeyo Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh Maxamuud in aysan raali ka ahayn, inkasta oo ay sheegeen in marka hore ay dhisayaan maamulada gobolada, kadibna gobolada oo dhisan ay ka wada hadli karaan in ay ku midoobaan dowlad goboleed.
Dhawaan ayaa Dowladda Federaalka ah ay maamul u samaysey gobolka Baay, inkasta oo maamulkii hore diidey wareeegtada ka soo baxdey xafiiska Madaxweynaha.
Shirka maamul u samaynta Jubboyinka ayaa marar badan dib u dhacay waxaana wada hadal ku jira labada Jubbo iyo gedo in ay ku midoobaan Jubbaland., Maamul u samaynta Jubbooyinka waxaa saameyn ku leh dalka Kenya oo awood uga saarey al-Shabaab qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Jubada Hoose, sidoo kale waxaa saameyn ku leh Jamhadda Raaskaanbooni oo u soo dagaalantey sidii al-Shabaab looga saari lahaa Gobolkaas.


Hablaha Media Network
Muqdisho, Somaliya


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved