Britain oo ciidamo u diraya Soomaaliya Sabatu Maxay Tahay Xiliga Somaliya ma Baahanatahay Ciima Kale??

Thursday 7 February 20130 comments




Wargeysta the Times ee ka soo baxa dalka Ingriiska ayaa maanta qorey in dalka Britain ay ciidamo geyneyso dalka Soomaaliya, markii u horeysey, ee faro gelin ciidan ay ku yeelato mid ka mid ah dalalka adduunka ugu daran ee dhibaatooyinku ka taagan yihiin sida wargeysku yiri.
Koox yar oo ka mid ah Ciidamada Britain, oo la taiuyaal ah ayaa Muqdisho loo dirayaa, marka la gaaro xiliga Gu’ga ee fooda inaku soo haya, haddii nabadgelyaddu saamaxdona waxaa dib loo furayaa safaaradii Ingriiska.
Sida Joornaalku ka soo xigtey Wasaaradda Difaaca ee Britain ciidamada loo diraayo Soomaaliya uma shaqeynayaan kuwo fuliya hawlgalo, waxayse ahaanayaan la taliyaal, iyo tababarayaal, taageera ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee dagaalka kula jira dhaq-dhaqaaqa al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida sida Joornaalku qorey.
Bartamihii sanadkii hore 2012 ayaa mar loogu arkey magaalada Afgooye ciidamo ka tirsan Britian kuwaas oo ku hubeysan qalab culus, laakiin markaan waxay noqoneysaa markii u horeysey ee si toos ah Wasaaradda Difaacu uga hadasho.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili dhawaan uu booqdey Britain Madaxeynaha Soomaaliya isla amrkaana kulamo la qaatey madaxda dalkaas, bisha May waxaa lagu qaban Ingriiska shir weyn kaas oo loga hadlaayo dib u dhiska iyo nabadgelyada Soomaaliya, iyo waxyaabaha ka fuley shirkii hore ee London lagu qabtey sanadkii 2012.
Hablaha Media Network



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved