Shariif Shiikhunaa Maye Taliyaha police-ka Soomaaliyeed ayaa maanta waxa uu xabsiga kasii daayay Muniira Jeylaani Maxamed oo loo xiray in ay u fududeysay Wariye Cabdi Casiis Cabdinuur Ibaahim (Koronto) wareysi uu ka qaaday haweeney Soomaaliyeed oo ay kufsadeen raxan katirsan Police-ka Soomaaliyeed.
Muniira Jeylaani Maxamed oo uu awoowe u yahaay Gen. Maye ayaa waxa uu shir uu saxaafada horay ugu qabtay kusheegay in gabadhiisu ay danbiile tahay, kana qeyb qaadatay kiiska Cabdi Casiis uu ku xiranyahay, cadaaladana ay mari doonto.
Cadaaladii uu sheegay Maye ayaa maanta fashil ku idlaaday kadib markii uu gabadhiisa xabsiga kala baxay halka wali ay xiranyihiin haweentii ay kufsadeen ciidamada uu taliyaha u yahay iyo wariyihii doonayay in uu soo bandhigo dhibaatada police-ku ay kula keceen haweeneyda barakaca ah ee kunooleed xera qaqooti oo awalba ay kula jaha wareesaneed nolosheeda.
In ruux titile ama kursi uu kufadhiyo uu kutakri falo oo uu nin tooxsi ugu shaqeeyo ma aha mid kucusb dalka Soomaaliya, hasa yeeshee talaabadaan Maye ayaa waxa ay imaaneysaa iyada oo dalka ay taladiisa heyso dowlad sheegta in ay ladagaalameyso cadaalad darada iyo musuq maasuqa.
Waxaa laga war sugayaa sida dowladu ay cadaalad u marsiiso taliyaha police-ka oo isagu si aan gabasha laheyn sharcigii dalka ugu tuntay, waxaana xusid mudan in dowladu ay bilaawday in ay xirto masuuliyiin lagu helay musuq, hadii Gen. Maye lagu qaadi waayo cadaaladana ay soo bixi doonaan mucaaradyo dheeraad ah oo ay dhigaan dadka uu kasoo jeedo agaasimaha waaxda waxbarasha ee wasaarada Arimaha Buslhada oo xabsi u galay Musuq lagu helay.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment