Garsooraha qaadayo dacwadda loo haysto Burcad-baddeeda lagu maxkamadeynayo dalka Hindiya ayaa dalbaday in 70 badmaaxiin horey afduub loogu haystay inay Maxkamadda hor yimaadeen.
120-badmaax oo Soomaali ah ayaa waxay dacwadeeda ka socotaa Maxkamad degmadda Sweri ee dalka Hindiya, iyadoo lagu soo oogay fal-dembiyeedyadda Burcadnimo, Afduub, Dil iyo dagaal ay la galeen Hindiya.
Garsooraha waxa uu u yeeray Badmaaxiintaasi horey looga soo badbaadiyey Burcad-baddeeda Soomaalida, iyadoo Badmaaxiintaasi u kala dhasheen dalalka Turkey, Iran, Thailand,Philippines, Myanmar, Bangladeshiiiyo Pakistan.
Badmaaxiintaasi, ayaa waxay horey qoraal ahaan u saxiixeen inay ku markhaati furi doonaan Burcad-baddeeda marka la maxkamadeynayo, iyadoo dhegeysiga Maxkamaddu bilaabantay bishan 21-da.
Hadal ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in qoraallo loo kala ditay Qunsulliyadda Toddobadda da[ ee ay ka soo kala jeedaan Badmaaxiinta horey u afduubnaa ee Markhaati ahaanta looga doonayo Maxkamadda.
Dhegeysiga Dacwadda loo haysto 120-ka Burcad-baddeedda Soomaalida,ayaa ku soo beegantay iyadoo Koox ka tirsan Burcad-baddeedda ka codsadeen in la soo daayo Burcad-baddeeda saaxiibadooda si ay iyagana u sii daayaan 46 Badmaaxiin u dhalatay Hinidi oo ay afduub u haystaan.
Dhinaca kale, Labo arday oo Soomaali ah ayey Boliska Hindiya ka codsadeen inay Turjumaan u noqdaan Burcad-baddeeda inta ay dacwadda ku socoto, iyadoo Ardaydaasi Maxkamadda hor tegeen.
Ardaydaasi ayaa lagula heshiiyey in midkiiba la siiyo lacag dhan Rs 3,000 ([acagta Rubbiga Hindida) halkii mar ee ay Maxkamaddu dhegeysanayso dacwaddaasi.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment