Xaaska Iker Casillas Oo Soo Dhex Gashay Dagaalka Qaboow Ee Ka Dhaxeeya Kooxda Real Madrid (Aqri sababta)

Wednesday 30 January 20130 comments




Xaaska goolhayaha Real Madrid Iker Casillas ee lagu magacaabo Sara Carbonero isla markaana ah wariye TV ayaa qarxisay sir maalmahan danbe fakatay isla markaana ay kooxda Real Madrid beenisay iyadoona difaacday Saygeeda Iker Casillas .


Sara Carbonero ayaa shaacisay oo u sheegtay TV dalka Mexico in dood iyo khilaaf uu ka dhex taagan yahay qolka dher badelashada naadiga Real Madrid iyadoo la ogsoon yahay inuu jiro qilaaf u dhexeeya Casillas iyo Ramos oo dhinac ah iyo Jose Muorinho iyo waliba qilaafaad kale.

Ma ahan mid caadi ah xaaladda ka dhex taagan kooxda, waxaa jira qilaafaad iyo kala qeybsanaan u dhaxeysa ciyaartoyda Real Madrid iyo tababarahooda, waxayna dhamaan ka dhursugayaan dhamaadka xili ciyaareedkan tagista Jose Mourinho , Casillas waa ciyaryahan fantastic ah xushmadna kuleh kooxda” ayay Sara ku sheegtay warbixinteeda. Haddaba Real Madrid iyo Barcelona oo caawa ku balansan Coppa Del Rey malaga yaabaa in hadalkaan ka soo yeeray xaaska Iker Casillas uu caqabad hor leh uu ku noqdo Rea Madrid isla markaana uu saameyn ku yeesho.





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved