Daawo Sawirada Madaxweyne Jocob Zuma oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Danjire Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi

Wednesday 30 January 20130 comments

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka koonfur Afrika Ambassador Sayid Xasan Shariif C/llaahi warqadihiisa Safiirnimo laga gudoomay isaga iyo Safiiro ka kala socda Wadamo ay ka mid yihiin Burundi,Sweden, Canada, Cuba iyo kuwa kale.

Xaflad lagu qabtay Qarsiga Madaxtoooyada koonfur Afrika ayaa waxaa uu ka gudoomay Madaxweyne Jecob Zuma Safiiro uu ka mid yahay Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika.

Intiii Xafladaasi lagu gudo jiray Qudba uu u jeediyay Madaxweynaha Safiiradii kasoo qeyb galay ayaa waxaa uu ku soo dhaweeyay Safiirada dalkiisa isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanahay wadashaqeynta dowladiisa iyo dowladaha kale.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jecob Zuma oo qudbadiisa u badnayd arimaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in aad ugu faraxsanahay in ay Soomaaliya ku yeelato Danjirihii ugu horeeyey dalkiisa.

Ambassador Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa isna dhankiisa u sheegay Madaxweyne Jecob Zuma in uu fariin salaan gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ah ugu wado Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya isagoo ugu mahadceliyay sida ay ay Dowlada Koonfur Afrika qaabisho.

Waa markii ugu horeeysay ee ay Soomaaliya ku yeelato Safaarad dalka Koonfur Afrika iyadoo tani ay noqonayso midd taariikhi ah,waxaan Koonfur Afrika ku nool Soomaali farabadan ee aan horay u heysan Dowlad xuquuqdooda kala hadasha Dowlada Koonfur Afrika.






______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved