Labo Wiil Oo Muwaadiniin Soomaali Ah Ayaa Xalay Ka Bad Baaday Isku Day Dil Oo Ay Damacsanayeen Kooxo Burcad Koofur Afrikaan Ah Xili Ay Ku Sugnayeen Dukaankoda Ganacsi Oo Ku Yaala Duleedka Magalada Johannesburg Ee Dalka Koofur Afrika
Muwadiniintan Ayaa Waxaa Soo Gaaray Dhawacyo Kala Duwan Oo Rasaaseed Oo Ay Burcada Ku Fureen Markii Ay Dhalanyarada Isku Dayeen Inay Iska Difaacaan Burcada Waxana Haatan Dhawacayada Soo Gaaray Labadan Muwaadin Lagu Daaweynayaa Isbtilaka Weyn Ee Soweto Waxaana Dhalanyaradan Lagu Kala Magacaba Yaxye Khaliif Iyo Cabdinaasir Xasan Waxana
Isku Dayga Burcada Koofur Afrikaanka Ay Doonayeen Inay Ku Qaarijiyaan Dhalanyaradani Ayaa Yimid Kadib Markii Ay Damceen Burcada In Saqafka Sare Dukaanka Jabsadaan Kadibne Ay Halkaas Ka Galaan Si Ay Howshooda U Fuliyaan Balse Ma Aysan Dhicin
Si Kastaba Buracada Koofur Afrika Ayaa Caadi Ka Dhigatay Xili Walba Ugaarsiga Soomaalida Iyadoo Habeen Ka Hor Ay Aheyd Markii Muwaadin Soomaali Ah Lagu Dilay Magalada port Elizabeth Waxaana Koofur Afrika aad loogu yaqaanaa falal danbiyeedyada lagu beegsanayo dadka shisheeyaha ah ee Soomaalidu ugu horeyso.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment