Deeq lacageed ee ku farxeen oo la gaarsiiyay Dadkii Kumaandooska Faransiiska ku laayeen Deegaanka Buulo Mareer

Monday 28 January 20130 comments





Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose ayaa Deeq lacageed waxa ee gaarsiiyeen dadkii dhawaan ee Ciidamada Faransiiska ku dileen Weerarkii fashilmay ee ku qaadeen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose.


Xarakada Al-Shabaab ayaana deeqdan si gaar ah u gaarsiiyay dadkii rayidka ahaa ee dhawaan ku dhintay Duulaankii Faransiiska ku qaadeen Buulo Mareer iyadoona Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose dadka ee waxyeelada nafeed kasoo gaartay Weerarkaasi siiyay lacago Dollar ah.

Gudoomiyaha Xarakada Al-Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdala oo Deeqdan lacagta ah oo ka kooban mid 500-Dollar oo la siiyay Qoysaskii dadkii dadka uga dhinteen Weerarka Buulo Mareer ayaa sheegay in ay garab istaagi doonaan cid kasto ee waxyeelo gaarsiiyay cadowga kusoo Duulay.

Xarakada Al-Shabaab  waxa kale ee balan qaadeen in ay gacan siin doonaan dadka ganacsigooda iyo hantidooda ee waxyeelo kasoo gaartay Weerarkii Fashilka ku dhamaaday ee Ciidamada Faransiiska ku qaadeen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose.

Waa Deeqdii ugu horeesay ee helaan dadkii rayidka ahaa ee Ciidamada Faransiiska ku laayeen Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose iyadoona eesan jirin cid kale oo garab istaagtay ama ka xanuunsatay dadkii masaakiinta ahaa ee Faransiisku gardarada u gowraceen.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved