Wasaradda arrimaha dibadda ee dalka Britain ayaa shalay oo Axad aheyd u digey dhamaan muwaadiniinta u dhashey Britaan ee ku sugan Somaliland in ay isaga soo baxaan halkaas.
“Waxaan helney hanjabaad ka dhan ah dadka reer Galbeedka ah ee ku sugan gudaha Somaliland”, waxaana si deg-deg ah looga codsanayaa dhamaan dadka Britishka ah in ay isaga soo baxaan Deegaanada Somaliland” sidaas waxaa lagu yiri war ka soo baxay Arrimaha dibadda ee Britian.
Afhayeen u hadley Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingriiska ayaa BBC u sheegay in shaqaale ka shaqeeya hay’adaha aan dowliga ahayn in ay ku sugan yihiin Somaliland. Afhayeenka ayaan qeexin hanjabaadda ay ogadeen iyo khatarta halkaas ka jirta, kamana bixin wax faallo ah.
Digniintan ayaa imaanaysa iyada oo saddex maalmood ka hor Xukuumadda Britain ay u digtey dadka u dhashey dalkooda in ay tagaan magaalada Benghazi ee Libya, amarna ku siisey dhamaan kuwa halkaas ku sugan in ay isaga so baxaan.
Kadib markii dalka France uu duulaanka ku qaadey waqooyiga Maali oo ay ka taliyaan koox Islaamiyiin ah isla markaana dalal ay ka mid tahay Ingriisku ay ku taageereen, waxaa reer Galbeedku badiyeen feejignaanta weeraro lala beegsan karo iyo in waxyeelo loo geysan karo danaha ay ku leeyihiin meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah.
Maamulka Somaliland ayaan weli ka hadal warka ka soo baxay Britain, iyo hanjabaadaha ay sheegeen in ay ka jirto Somaliland oo ah maamul ka dhisan Waqooyiga Soomaaliya kaas oo ku dhawaaqey in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’een sanadkii 1991 laakiin aan helin wax ictiriaaf ah.
_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment