Wasiirka horumarinta Adeegga Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Magaalada dubai uga qeybgaleysa Shir looga hadlayo yareenta Xaddiga dhimashada haweenka uurka Leh iyo caruurta ay da’doodu ka hooseyso shanta sano.
Drs.Maryam Qaasim Axmed wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada oo maanta ka duushay Magaalada Muqdisho ayaa u safartey magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta halkaas oo ay uga qeybgaleyso Shir muhiim ah kaasoo diiradda lagu saarayo sidii loo yareen lahaa tirada badan ee dhimashada Haweenka uurka leh iyo caruurta maadaama ay Soomaaliya kamid tahay wadamada ay ka jiraan cudurrada asiiba haweenka iyo caruurta.
Wasiirka Horumarinta Adeegga Bulshada Soomaaliya ayaa saxaafadda u xaqiijisay in shirkani uu muhiim u yahay ka qeybgalka Soomaaliya maadaama ay la hortageyso qorshe ay ugu talagaleen yareenta Xaddiga Dhimashada haweenk uurka leh oo muddooyinkan dambe kor usii kacayay.
Shirkaas ayaa waxaa ka qeybgali doona Masuuliyiinta wasaaradaha Qaabilsan Horumarinta iyo haweenka ee dowladaha ku mideysan East Meditreanian Region.
Shirkaas ayaa ah shir ay sadexdii biloodba mar isugu yimaadaan Wasiirrada Horumarinta iyo Dumarka ee EMRO.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment