Daawo Sawirada loo aqoonsaday in ee yihiin kuwii ugu Fiicnaa la qaaday Sanadii 2012-kii iyo Dal ku guuleestay markii ugu horeesay

Monday 28 January 20130 comments


Sanad kasta waxaa jiro abaal marino caalami ah oo la bixiyo, abaal marintaas oo la gudoonsiiyo dadka wax sawiro ha ahaadaan kuwa aan xirfad sawir laheen ama kuwa leh xirfad sawir.


Abaal marintaan ayaa la qabtaa sanad kasta waxaana loo qabtaa inta badan dadka keeno sawiro cajab galiyo dadka, kuma xirna in aad tahay qof sawir qaada ah, waxaa kuugu filan adiga oo meel marayo in aad sawirto sawir aad isleedahay wuxu noqon karaa mid dadka ka yaabiya, waana tartan inta badan loo qabto dadka safra ama dalxiisa.

Sanadkaan waxaa ka soo qeyb galay abaal marintaan 70 wadan oo ku kala yaalo qaaradaha aduunka, dadka ka soo qeyb galay ayaa keenay sawiro uu ruux kasta ka soo qeyb galaya aamisan yahay in uu noqon doono qofka ku gulees doona abaal marintaan.

Sawirada tartan lagu galayay ayaa iskuugu jiray kuwa ay qaadeen dad aan ku wanaagsaneen qaadista footada (barbarad/ amateur) iyo kuwa ku wanaagsan oo leh xirfad sawir qaadis (professional), go’aan ka gaarista sawirka waxaa leh dadka bixiya abaal marinta.

70 ka wadan ee ka soo qeyb galay tartaranka ayaa sanadkaan waxaa ku guuleestay wadan aan looga barin in uu ku guuleesto waana dalka loo yaqaano Bangladesh.

Sawir qaadaha ku guuleestay sanadkaan ayaa xili uu u safrayay deegaanka uu ka soo jeedo isaga oo saaran tariin waxaa usuurta gashay in uu qaado sawiro.

Sawirka ayaa lagu biirin doonaa sawirada hore loogu guuleestay ee lagu helay abaal marinta, sawirka ayaa la galin doonaa diiwaanka dadka ku guulestay sawirada 2008, 2009, sawirkaan ayaa lagu iibsan doonaa qiima gaaraya £25.









______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved