Dhambaal danqasho iyo Dareen leh oo ay qortay Gabar yar oo midabkeeda oo madow ah darteed loo jir-dilay.

Monday 28 January 20130 comments






Qoraal calool-xumo xambarsan oo ay abid qorto gabar yar oo labo jeer la kulantay dhacdo jirdil ay ku muteysatay midabkeeda oo madow darted ayaa waxaa bishan 25th lagu soo daabacay Wargeyska ‘Briminghan Mail ee ka soo baxa magaalladda Brimingham ee dlka Britain.

Gabadhaasi oo lagu magacaabo Andrea Buchanan oo ay iska dhaleen Aabe madow oo u dhashay dalka Jamica iyo hooyo Pakistaani ah, ayaa waxay gocasho ka qaaday kadib, markii ay wiilal ciyaal xaafadeed la ah labo jeer garaaceen, iyagoo ku oranayo madow-yahay.

Wargeyska, waxa uu sheegay in Andrea iyo dhowr gabdhood oo ilaa 11-jirro ah la kulmeen wiilal ku ciyaarayey, iskuna tuurayey, waxayna Wiilasha ka codsadeen gabdhihii inay kula ciyaaraan ‘Kubbadda Barafka ‘Snow-ball’, markii ay diideen si gaar ah loo garaacay Andrea oo midab madow barxan leh.

Gabadhii madowga ahayd iyadoo ilmeynayso ayey gaartay gurigeeda, waxyna la dhacday oohin gocasho leh.

Kadibna waxay qortay qoraal khaas ah oo ku socotay Wiilashii u soo garaacay midabkeeda madowga dartiisa, waxaana erayaddii ku qornaa ka mid ahaa:-

“waxaan rabaa inaan la hadlo qof kasta, si uu u cabiro dareenkiisa ku aadan sida uu u arko gabar madow oo la garaacay. Wax dhib ah ma laha haddii aan madow ahay. Annaga oo dhan waxaan nahay Aadane. Ilaahay waxa uu inoo abuuray dhamaanteenna inaan is-jeclaano iyo in midba midka kale daryeelo. Tani waa markii labaad ee la garaaco ahaanshahayga madowga.

Dhinaca kale, Hooyadda dhashay Andrea, oo lagu magacaabo Khalilah Osman oo iyadu asal ahaan wada dhaleen Aabe Pakistani iyo Hooyo Caddaan ah, ayaa waxay ka carootay jirdilka ay Wiilasha Xaafadda u geysteen, iyadoo sheegtay inay gabadheeda niyad-jab iyo cuqdad ka qaaday falkaasi.

Hooyadda, waxay intaasi ku dartay in falka ugu dambeeyey gabadheeda la kulantay uu ahaa markii labaad muddo 6-bilood gudaheeda.

Wxay intaasi ku dartay in falkii u dambeeyey loo geystay xilli ay raashin iyo baradhada la shiilay ‘Chips; ka soo iibsanaysay Dukaan ku dhow guriga ay deggan yihiin oo ku yaalla Jidka Bacchus Road.

Hooyaddu, waxay sheegtay inay gbadheeda ka saarayso Iskuulka ay dhigato, mar haddii ay jirdil la kulmayso midabkeeda oo madow awgeeda.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved