Somaliland oo si cara leh uga jawaabtay Ingiriiska oo mawaadiniinta uga digay in ay u safraan Somaliland iyo sababaha digniintaasi oo lasheegay in ay ku qotonto Maamulka Hargeysa.

Monday 28 January 20130 comments





Wasiirka rimaha dibada ee Somaliland ayaa waxa uu si cara leh ga jawaabay digniintii dowlada Ingriisku ay kasiisay safarkoodaSomaliland isaga oo sheegay in arintaasi ay tahay mid aan ku wanaagsaneyn Ingiriisku in uu ku dhawaaqo.

Xariirka arimha dibadda iyo barwaaqa sooranka dalka Ingiriiska ayaa waxa ay digniin u dirtay mawaadiniinta u safra maamulka lamagac baxay Somaliland, waxa ayna sidoo kale kuwa hada joogo kuwar gelisay in ay deg deg uga soo baxaan.

Soo saarista digniintaan ayaa waxa ay qeyb katahay go’doomin ay dooneyso dowlada Ingiriiska in ay ku sameyso maamulka Somaliland kadib markii ay soo bexeen dhega adeyg aad u baahsan oo Somaliland ay kamuujisay shir Ingiriisku uu qaban qaabiyay oo maamulkaasi lagu casuumay madaxweynaha Soomaaliyana uu shir gudoon kanoqonayo.

Inkasta oo dowlada Ingiriiska aysan si cad u sheegin in arintaasi ay tahay xariirka u jarid Somaliland ayaa hadana xariirka arimha dibadda iyo barwaaqa sooranka dalka Ingiriiska waxa aysan shaacin qataro xagga amaanka ah oo ay uga digeyso mawaadiniinteeda, iyada oo digniintuna ku soo beegantay Xilli Feysal Cali Waraabe oo ah hogaanka xisbiga UCID ee Somaliland uu sheegay in aysan aqbali doonin shirkaasi hadii Xassan Sheekh Maxamuud uu shir gudoon kayahay.



Ingiriiska oo horay u gumeestay deegaanada Somaliland ayaa waxa uu hada mug weyn kuleeyahay hadafka lagu doonayo in Hargeysa ay Muqdisho wax laqeybsato si loo helo midnimo kadhexeysa waqooyi iyo koofur waxa uuna markii ugu horeysay kulan lesku hor keenay u qabtay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland sanadkii tegay iyada oo kulankii labaadna ladoonayo in bisha May ee sanadkaan laqabto iyada oo kaasi uu ka duwanyahay kii hore maadaama madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed Xassan Sheekh Maxamuud uu dhir gudoon kayahay.

Muqaalka Digniintiina Halkaan Ka Daawo




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved