Somaliland oo shaki ka muujisay kaalinta Jabuuti ee baaqii Ingiriiska kasoo baxay

Tuesday, 29 January 20130 comments





Shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliland ayaa si weyn u hadal haya go’aankii kasoo baxay dowlada Ingiriiska oo muwaadiniinteeda ugu baaqday inay isaga soo baxaa gobalada Soomaaliland ka arrimiyo, Ingiriiska ayaa sheegay inay heleen xog sheegaya in khatar ay kusugan yihiin ajaanibta ku sugan Soomaaliland.
Shalay ayey bilaabeen qaar badan oo kamid ah Ajaanibtii ku sugneyd magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland inay halkaasi ka baxaan, halka qaar kalena isu diyaarinayaan inay dhawaan ka baxaan deegaanada Somaliland.
Maamulka Soomaaliland oo uu kadis ku noqday go’aanka dowlada Ingiriiska iyo baaqa kasoo baxay London, ayaa shirar jaraa’iid oo ay qabteen siyaasiyiinta Somaliland dhamaantood sheegeen in amniga Somaliland uu sugan yahay aysana jirin khatar ay hada u jeedaan.
Maxamed Cabdullahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Dibada oo shir jaraa’iid ku qabtay Hargeysa maalinimadii shalay ayaa si weyn u beeniyey in amniga Soomaaliland uu khatar ku jiro, wuxuuna sheegay in ay hay’adaha amniga baari doonaan khatartan ay ka dhawaajisay dowlada Ingiriiska.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland ayaa xiligan ku mashquulsanaa go’aankii Maraykanka kasoo baxay ee aqoonsiga dheeraadka ah ku siiyey Dowlada Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay dib uga soo noqday safar uu ku aaday magaalada Addis Ababa oo uu kulan kula soo yeeshay Safiirka Maraykanka Itoobiya u fadhiya. Balse Wasiirka ayaa markii uu Hargeysa kusoo noqday ku khasbanaaday inuu markale ka hadlo go’aanka kasoo baxay dowlada Ingiriiska oo uu safar ku tagay bil kahor.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay dhaliil weyn uga imaaneysay shacabka iyo mucaaridka, kuwaasi oo ku tilmaamay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland mid ku fashilay hawshii loo xilsaaray.
Jabuuti iyo Somaliland
Shacabka Soomaaliland ku dhaqan oo si weyn isu weydiinaya waxa keenay isbedalada xoogan ee dhanka siyaasada ah ee reer Galbeedka oo ku aadan Somaliland ayaa waxaa hada soo ifbaxaya shaki ay qaar badan shacabka Soomaaliland ka qabaan, kaalinta ay dowlada Jabuuti ku leedahay baaqii ugu danbeeyey ee kasoo baxay dhanka Dowlada Ingiriiska (UK).
Qaar kamid ah siyaasiyiinta xukuumada Soomaaliland oo u suurto gashay inay Hablaha Media la xariirto ayaa si hoose ugu sheegay inay la yaab ku noqotay go’aanka uga yimid dhanka Ingiriiska oo codsaday muwaadiniintiisa inay isaga soo baxaan Somaliland, arrintan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan doonta muwaadiniinta kale ee kasoo jeeda dalalka Reer Galbeedka oo go’aankan si weyn u saameyn doono.
Siyaasiyiintan oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in dowlada Jabuuti ay dhawaan waday dhaq dhaqaaq ka dhan ah Soomaaliland tan iyo intii ay sii xoogeysatay xiisadii ka taagneyd degmada Saylac ee gobalka Salel, oo dhawaan murran xoogan ka dhashay natiijooyinkii kasoo baxay doorashadii golaha deegaanka.
Todobaadkan ayuu dib uga soo noqday Saylac Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay Xukuumada Soomaaliland u xil saartay xalinta xiisada ka dhalatay Saylac. Labo maalin kahor ayuu Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale uu sheegay in uu hawshiisa bilaaban karo mayarka cusub ee Saylac kadib markii lagu fashilay in wax natiijo ah laga gaaro xiisadii Saylac ee u dhaxeysay beelaha Ciise iyo Gadabiirsay oo isku hayey hogaanka degmada.
Siyaasiyiintan kamid ah Soomaaliland ayaa sheegaya in Dowlada Jabuuti ay kaalin muhiim ah ka ciyaarto dhanka la dagaalanka argagaxisada ee geeska Afrika, isla markaana ay tahay goobta wadamada Maraykanka iyo Faransiiska oo xulafo gaar ah la ah Ingiriiska ay saldhigyadooda ku yaalaan.
Dowlada Jabuuti ayaa dhawaan mar hakad gelisay isu socodkii xadka u dhaxeeya Jabuuti iyo Somaaliland xiligii ay sii xumaatay xiisadii ka taagneyd degmada Saylac, arrintaasi oo la rumeysan yahay in Jabuuti ay cadaadis ku saaraysay xukuumada Somaliland.
Siyaasiyiintan reer Soomaaliland ayaa carabka ku dhuftay in ay jirto tuhun dowlada Jabuuti laga qabo inay ku lug leedahay go’aanka kasoo baxay dalka Ingiriiska iyagoo ka gaabsaday inay sii faah faahiyaan tuhunkaasi waxa uu yahay.
Dhinaca kale shacabka Soomaaliland ayaa guuldaro weyn ku tilmaamay baaqa kasoo baxay Ingiriiska, xili ay wel wel weyn ka qabeen shacabka ku dhaqan Soomaaliland go’aankii Maraykanka uu ku taageeray Dowlada Federaalka Soomaaliya.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved