Fanaanada caanka ah ee Shakira ayaa shalay oo Talaado aheyd canugeeda u horeysay ku umushay magaalada Barcelona, sida ay ku shaacisay barteeda Internet-ka.
Shakira iyo seygeeda Gerard Pique oo u ciyaara kooxda Barcelona ayaa canugooda u bixiyay magaca Milan oo macno ahaan laga wado (sharaf,kalgaceyl iyo naxariis) , marka loo fiiriyo luqada Slavic , waxaana canugan miisaankiisa ahaa 3Kg.
Labadan lamaane ayaa warbixintooda ku sheegay in wiilkooda yar uu noqon doono sida aabihiis xidig ka mid ah xidigaha u ciyaara kooxda FC Barcelona.
Shakira oo 35-jir ayaa bishii september ku dhawaaqday inay uur leedahay, kadib markii ay ka soo baxday Xaflad ka dhacday Las Vegas.
Heesaydan caanka ayaa muddo la soo socotay ciyaaryahan Pique, iyadoo taageero weyn u aheyd kooxda Barcelona, waxaana dhowr jeer oo hore lagu arkay fagaarayaasha, iyadoo daawaneysay ciyaarihii dhex maray Barcelona iyo kooxda kale ee ay xafiiltamaan Real Madrid.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment