Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalda Boosaaso oo ka wel welsan wiilkeeda oo lagu Xakumay Dil toogasha ah(Daawo Muuqaal+Warbiixn)

Wednesday 23 January 20130 comments




Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalda Boosaaso ayaa waxaa la sheegay inay ka wel welsan tahay nolosha wiilkeeda oo lagu xirey lacag aysan awoodin oo gaareyso ilaa iyo 20,000 (labaatan kun) oo doolar hadii kale la dili doono oo la toogan doono wiilkeedaas.

Hooyadaan oo uu soo bandhigay wariyaha Jamal Cismaan oo ka howlgala telefishinka Channel 4 ee dalkaas Ingiriiska barnaamij uu ugu magac darey sida ay u shaqeyso cadaalada Soomaaliya oo uu ku sheegay in qofku markey ku cadaato inuu geystay dil ay 3 waxyaalood midkood qabsan doonto oo uu kala kulmi karo qoyska marxuumkii uu dilay kuwaas oo kala ah inay iska caafiyaan, inay dilaan ama inay diiyo ka qaataan, Hadaba barnaamijkaas ayuu waxaa kale oo uu kala kulmay nin lagu magacaabo Maxamed Sanbaare oo ku xiran xabsi ku yaala magaalada Boosaaso kaas oo ku xukuman dil toogasho ah ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu dilay nin ay saaxiibo ahaayeen oo lagu magacaabi jirey Maxamuud oo 21 sano jir ahaa, Laakiin ninkaan ayaa waxaa uu sheegay oo uu ku adkeysanayaa inay uga fakatey xabadu ninkaas oo uusan si kas ah u dilin inkastoo ay maxkamadu ku xukuntey dil toogasho ah, aabaha dhalay ninkaas la dilay oo lagu magacaabo Cali Faras ayaa waxaa uu ku xiray ninkaas loo xukumay dilka wiilkiisa inuu bixiyo lacag diiyo ama mag ah oo gaareyso ilaa iyo 20,000 oo doolar hadii kalese uu u dili doono ama uu qisaasi doono ninkaas wiilkiisii uu diley, Hasa yeeshee hooyada dhashay ninkaas dilka ku xukuman oo lagu magcaabo Caasho islamarkaana ah qofka laga sugaayo oo ay u taalo inay bixiso lacagtaas lagu xirey nolosha wiilkeeda ayaa waxay tahay qof iska dan yar ah oo aan awoodin lacagta qiimahaas le'eg iyo wax u


dhowba iyadoona sheegtay inaysan heysan lacagtaas lagu xirey nolosha wiilkeeda.

Ugu dambeyntiina iyadoo hooyadaasi ay wel wel ka muujisay nolosha wiilkeeda oo ayna sheegtay hadii ay awoodi lahayd lacagtaas inuusan wiilkeeda maalina xabsiga ku sii jireen ayaa aabaha dhalay ninka la dilay waxaa uu sheegay inuu sugaayo lacagtaas inta laga siinaayo asagoona u muuqdo inay ka go'an tahay in la siiyo lacagtaas si uu ugu iibsado geel oo uu ku tilmaamay inay iloowsiin karaan wiilkiisii la dilay, Ninkaan oo hada ilaa iyo 4 sanadood ku ah xabsigaas dil suge ayaa waxaa dhici karta in la geeyo geedka dadka lagu toogto ee magaalada Boosaaso halkaas oo uu diyaar ku yahay nin lagu magacaabo Jeeri oo ka mid ah dadka ka shaqeeysta qabriyada lagu aaso dadka lagu dilo goobtaas uu ku yaalo geedkaas, ninkaas oo sheegay inuusan ka nixin dadka halkaas lagu dilo maadaama laga goynaayo waxay geeysteen.







______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved