Haweeneey 56-jir ah oo Dil lagu xukumay ka dib markii la qabtay iyada oo Daroogo galineeysa Dal Islaam ah (Daawo Ceebta dhacday)

Wednesday 23 January 20130 comments





 Dalka Indonesia waxaa ku nool Muslimiinta ugu faraha badan Dunida waxaana dalkaas xukun adag lagu fuliyaa qofkii lagu qabto isaga oo soo galinaya nuucyada kala duwan ee Daroogada halista ah. Haweeneey 56-jir ah una dhalatay dalka Ingiriiska ayaa lagu qabtay 5 Kg oo Daroogo Kookaain ah iyada oo soo galineeysa garoonka magaalada loo dalxiiska tago ee Bali.

Haweeneeydaan oo Telefoonada gacanta laga dhageeystay waxaa banaanka garoonka Diyaaradaha magaalada Bali ku sugayay 3 nin oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo mid kale oo u dhashay dalka India.

Haweeneeydaan oo ceeb iyo fadeexo darteed Wajiga qarsatay xiligii lagu xukumayay Maxkamada dhexdeeda ayaa waxaa sidoo kale kiiskaan ku guul dareeystay qareenkii difaacayay kaas oo Maxkamada ka codsaday in lagu xukumo kaliyah 15 sano oo xarig ah.

Arinta ugu yaabka badan ee Telefishinada Caalamka laga daawanayay ayaa noqotay Haweeneeydaan oo aad ugu rajo wayneeyd in lagu xukumo dhoor sano oo xarig ah balse Xaakimkii Maxkamada ayaa mar quraa ku dhawaaqay xukun Dil ah .

Halkaan ka Daawo Ceebta dhacday Qof Weeyn oo Daroogo lagu qabtay hadane Dil lagu xukumay




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved