School loogu tala galay dumarka jecel in ay guursadaan raga hantida leh oo markii ugu horeesay laga furay Dalka ...

Sunday 27 January 20130 comments






Dumarka in ay guursadaan nin hanti leh oo dhaqan karo waa qeyb kamid ah hamiga dumarka, ujeeda hamigooda ka danbeeso ayaa ah sidii ay ugu noolaan lahaayeen nolol tayo leh iyago aan u dhabar adeegeen wax shaqo ah.


Si ay dumarka u gaaraan hamigooda ugaar ka ah ayaa wadanka Chine waxaa laga furay School ugaar ah dumarka kaas oo lagu bari doona dumarka dhiganayo si ay uguursan lahaayeen rag hantida leh.


Dumarkaan ayaa la bari doonaa habka ay usoo jiidan lahaayeen raga iyo qaabka la isku qurxiyo iyo astaamaha lagu garan karo ninka hantida leh ama ninka aan hantida laheen, cashirada lagu bari doono dumarka schoolkaan cusub waxaa kamid ah sida raga loola hadlo iyaga oo deeqsiinaya hadal yar oo kooban, waxaa kaloo kamid ah cashirada ay qaadan doonaan sida ay ku kala garan lahaayeen raga dulqaadka yar ama dabeecada xun.


Aasaasaha school kaan oo lagu magacaabo Shao Tong ayaa sheegay hadafka laga leeyahay schoolka in uu yahay sidii xaaladaha dhaqaale ee dumarka loo hormarin lahaa si ay dumarka ugu noolaadan nolol heer sare ah.


Shao ayaa sheegay in school kaan uu ka saacidi doono sidii ay u heli lahaayaan dumarka guri ku dhisan barwaaqo iyo in ay helaan nin hantiila ah.


Dumarka doonaya in ay wax ka dhigtaan school kaan ayaa bixin doona lacag gaareeso 30,000 dollar.


Raga hantida leh ii xiiseeya dumarka schoolkaan ka soo baxay ayaa iyagane bixin doona 4,500 doolar markii ay la kulmayaan mid kamid ah hablaha wax ku soo bartay schoolka.
Schoolkaan ayaa ila hada soo saaray 30 dumar ah kuwaas oo guursaday rag aad hanti u leh taas oo muujineeso in uu schoolka gaaray hadafyadii loo asaasay.


Suaasha uu is waydiinayo qoraaga ayaa ah yaa u maqan raga aan hantida laheen? Soo la isma dhihi karo dumarka schoolkaan dhigta waa kuwa usoo jeestay rag hanti bas leh? Dumarka school kan dhiganayo iyaga oo baxshay 30 kun oo doolar hadii uu noqdo calafkooda maxay sameen doonaan?


Xigasho : http://life.viva.co.id


W/ Q : Daalac Daahir Shoot

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved