Aduunyaa Aakhira Zamaan!!! Bisad(Mukulaal) Loo “Taxaabay” Xabsi Ku yaal Wadanka Brasil .

Sunday 27 January 20130 comments





Halaha Media Network (HMN)-Bisada(Mukulaashan)  Ayaa waxaa  Lagu haayay gudaha xabsi ku yaalo wadankaasi Brasil ayadoo alaabo kontoroband ah oo ay u waday maxaabista, waxaan lagu soo duubay alaabtaasi Mukulaasha  jirkeeda  ayadoo lagula soo xiray cingiri

Bisada cad waxaa lagu qabtay ayadoo gudbeeysa ilinka hore ee xabsiga .
Shilka ayaa waxa uu ka dhacay jeelka magaalada Arapiraca, oo  250km(155miles) koofur galbeed xigta  Recife ee gobolka Alagoas.

Alaabta Bisadda lagu qabtay ayaa waxa ay isugu jirtay , mashiinada yaryar ee godad ka yar yar lagu farsammeeyo,feelal,mobile iyo chargaro, ayadoo ay sii dheeraayeen sameecadaha dhagaha. ugu danbeeyna  Mukulaasha (bisadda) waxaa loo qaaday xarun local ah oo  xayawaanada lagu daryeelo.

Xabsigan aya waxaa ku jira 263 maxbuus.

Inan yar oo u hadlay maxaabiista ayaa waxaa laga soo xigtay mar uu u waramaayay jaraa’id gudaha ah oo laga magacaabo Estado De S. Paulo isagoo sheegay inkastoo ay adagtahay in la ogaado cida masuulka ka ah falkan wallo mukulaasha aysan hadleyn.

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in alaabadu loola danlahaa in lagu baxsado ama in ay danbiilasha la xiriiraan banaanka.

www.hablaha.com

www.hablaha.com

 www.hablaha.com

 www.hablaha.com


Source: Waa Linkigaas Oo Laydin soo Tarjumay
http://www.standardmedia.co.ke/?articleID=2000074325&story_title=Cat-%27arrested%27-at-Brazil-prison
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved