Ardayda Jaamacadda Muqdisho faraca Bosaso oo u fariistay imtixaankii simistarka koowaad ++(Sawiro)

Sunday 27 January 20130 comments





Ardayda jaamacadda Muqdisho University faraceeda magaalada Bosaso ayaa maanta u fariistay imtixaankii ugu dambeeyey ee simistarka jaamacadda ee 2012-2013.

Kudhowaad kun arday oo dhigata qaybaha kalle duwan ee kuliyadaha jaamacadda Muqdisho ayaa ka qaybgalay imtixaanka ugu dambeeyey ee simitarka jaamacadda.

Agaasimaha xafiiska maamulka jaamacadda Aadan Axmed Xuseen Xerow oo hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin ardayda jaamacadda inay jawi daganaan ah ay ku galaan imtixaanka, waxaana uu sidoo kale xusay ardayda jaamacadda inuu u rajaynayo guul inay ka gaaraan imtixaanka.

Ardayda kuliyadaha Jaamacadda Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin imtixaanka ay maanta u fariisteen, iyagoona sheegay simistarka in arday badan ay isku diyaarinayaan inay qalanjabiyaan.

Jaamacadda Muqdisho faraceeda Puntland ayaa la furay sanadkii 2008-dii waxaana ay mudadii ay jirtay ku talaabsatay horumar iyo wax qabad, qaybaha ay ka koobantahay xarunta Puntland ee jaamacdda ayaa waxa ay kala yihiin.

Sharia & Law, Social science , Mathmetics, & Physics, Economics, Business administration, Accounting, Public administration, Banking and finance, Computer scince & information technology, Nursing and Punblic Health.




































______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved