Dowlada Federaalka oo saddex qof u xirtey musuqmaasuq lagu sameeyey deeq waxbarasho

Sunday 27 January 20130 comments






Wasiirka Hormarinta Arrimaha Bulshada Maryam Qasim Carif (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)
Saddex masuul oo ka tirsanaa Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Sooomaaliya ayaa la xirey kuwaas oo lala xiriirinaayo in ay musuq-maasuq ku sameeyeen deeq waxbarasho oo laga helay dalka Turkiga.

Wasiirka hormarinta arrimaha bulshada oo ay hoostagto waxbarashadu Maryan Qaasim Cariif ayaa sheegtey in tani tahay calaamad muujineysa sida ay dowladda uga go’an tahay in ay la dagalaanato Musuq-maasuqa, kaas oo dalka u noqdey calaamad.

Maryan Qaasim ayaa u sheegtey wakaalada wararka ee AP in saddexda masuul ee la xirey ay waxabarashadii deeqda ahayd siyeen ardey aan u qalmin oo shaqeysan.

Saddexda masuul ee la xirey waxaa ka mid ah Agaasimihii Wasaaradda Waxbarashada, kaas oo hadda lagu eedaynayo in uu qaatey laaluush aad u badan, sida laga soo xiganayo Wasiirka Hormarinta Maryam Qaasim.

“Waanu la soconey xariga Agaasimihii hore iyo laba masuul oo kale kadib markii eedaymo badan loo jeediyey, isla markaana lagu tuhmey Musuqmaasuq, waxaana socda baritaanka arrintaas ku aadan” ayey tiri Wasiirku.

Agaasimaha la xirey ayaa la yiraahdaa Muuse Faarax Xayd waa siyaasi ka soo jeeda Buuhoodle, waa shir-guddoomiyihii Shirkii Garowe ee lagu doortey Jaamac Cali Jaamac sanadkii 2001, waxaa la sheegayaa in mid ka mid ah Masuuliyiinta lala xirey uu yahay wiil uu dhalay Muuse Faarax Xayd oo ka shaqeynayey Wasaaradda Waxbarashada.

Dalka Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee u danbeysey galay kaalinta kowaad ee Musuq-maasuqa baaritaan lagu sameeyey Dalalka caalamka taas oo ay soo bandhigtey hay’adda daahfurnaanta caalamka (Transparency International)


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved