Wariye C/casiis Koronto oo Xabsiga loo gudbiyay, iyadoo aan wax Maxkamad la soo taagin

Saturday 26 January 20130 comments




Wariye C/casiir Cabdinuur Koronto iyo saddex ruux kale ayaa shalay loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, kadib markii muddo 17-cisho ay ku xirnaayeen Xarunta dambi baarista ee CID.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ayaa ku dhawaaqday in Wariye C/casiis Koronto iyo dadka kale ee isku kiiska ah loo taxaabo xabsiga, iyadoo tani ay ka hor imaaneyso cadaalada, maadaama Maxkamad aan la soo taagin.

Baaritaanka kiiska loo heystay wariyaha ayaa la soo gaba gabeeyay, kadiib markii uu labo todobaad socday, waxaana xeer ilaalintu ay sheegtay in Maxkamada ay ka go'an tahay in wariyaha iyo dad la xiray Xabsiga loo taxaabo.

Agaasimaha Radio Dalsan Xasan Cali Geesey ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wariye C/casiis oo muddo 17-cisho Maxkamad la'aan uu ahaado, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in loo gudbiyo Xabsiga dhexe, waxaana uu ka dalbaday dowladda inay sii deyso.

Hey'adaha u dooda xuquuqda saxaafada ayaa ugu baaqay dowladda inay dib xoriyadiisa ugu soo celiso Wariye C/casiis Koronto, waxaana isa soo tarayay baaqyada ka imaanayay hey'adaha xuquuqda aadanaha oo ka dalbanayay dowladda inay sii deyso Wariyaha.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved