1. Waxaa ugu horeeya jaamacadda Colombia ee dalka Mareykanka, waxa ayna hoggaanka u haysta jaamacadaha ugu wanaagan marka la eego uguna tayada badan, waxay ku taalaa Magaalada New York waana jamaacad gaar loo leeyahahay waxaa la aasaasay kaddib kacaankii Mareykanka, waxaana dadka ka baxa ay caan ku yihiin aayna ahayeen marka la eego dadka ugu caansan dhanka Siyaasadda iyo waliba dhaqaalayahannada soo mara dalka Mareykanka, waa halka ay inta badan kasoo qalin jabiyeen, waxaa kale oo Jamaacadaan ka qalin jabiyay dad badan oo hasta abaalmarinta Nobel bares oo sanad waliba laga bixiyo Caalamka mana jirto jaamacad kale oo ku taal dalka Mareykanka oo ka Taariikh wanaagsan Jaamacadda Colombia.
Xarunta ugu weyn ee jaamacadda ayaa ku taalla buuraha sare ee Magaalada New York gaar ahaan xaafadda la yiraahdo Manhatan, waxaana magac ahaan loo yaqaanaa jaamacadda Colombia waana jaamacaddii ugu horeysay ee bixisa Culuumta bulshada sida Siyaasadda iyo dhaqaalaha Cilmiga isirka kuwaas oo ah Culuumtii ugu dambeeysay ee laga barto Caalamka.
2. Jamaacadda labaad ee ugu wanaagsan Caalamka ayaa ah Machadka Masejuses ee isna dalka Mareykanka, waxa uu ku yaalaa Magaalada Cambric ee gobolka Masejuses waxaana la aasaasay sanadkii 1861-kii, waxaa lagu tiriyaa Machadkaan mid caalami ah waxaana kasoo shaqeeyay Machadkaan dad magac weyn ku leh bulshada caalamka gaar ahaan kuwa Mareykanka, waxaana ka mid ah Norbert Venzy waxaa shaqadiisa ugu badan ay tahay Machadkaan baaritaanka Cilmiga iyo Technolojiyada waxa uuna ka kooban yahay Machadkaan shan dugsi iyo waliba hal kuliyad waxaana hoos taga ilaa 34 Taqasusuyada Caalamiga ah iyo waliba 53 Sheybaar oo casri ah kuwaas oo door wanaagsan ka ciyaara Ingineeriyadda Caafimaadka iyo waliba horumarinta aaladda Computer-ka iyo waliba soo saarka hubka casriga ah iyo Dayax gacmeedyada, waxaana ay gaareen Ardayda wax ka barata halkaas ee ka kala yimid Caalamka ilaa iyo 10-kun oo Arday kuwaas oo wata dhalashooyin kala duwan, hay’adda Macallimiinta Machadkaan ayaa ka kooban 960 xubnood kuwaas oo haysta Shahaadooyinka ugu sareeya ee Calamka laga gaaro Waxbarashada gaar ahaan qeybaha Cilmi barista iyo Technolojiyada waxaana ku jira qaar badan oo haysta Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nobel-ka.
3. Waxaa saddexaad ah Jaamacadda Chicago waana mid ka mid ah kuliyadaha Caafimaadka ee ku yaala dalka Mareykanka waxayna ku taalaa, magaalada Chicago ee gobolka ilinoy ee dalka Mareykanka, waxaana ay bixisaa shaadada Caafimaadka ee MD oo ah tan loogu jecelyahay Caalamka.
4. Waxaa Afaraad ku jira Jaamacadda Caanka ah ee Oxford waxaana lagu tiriyaa mid ka mid jaamacadaha ugu qadiimisan Caalamka gaar ahaan reer galbeedka ku hadla luqadda Ingriiska waxayna ku taalaa Magaalada Oxford ee dalka Ingriiska , jaamacadda Oxford waa Matxafka Taariikhiga ah ee dalka waana mid ka mid ah jaacadaha ku horumarsan Cilmibarista, waxayna qeyb ka tahay Ururka Jaamacadaha Ingiriiska ee RASAL waxaa kale oo ay xubin ka tahay LERU oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Jaamacadaha horumaray ee Yurub, waxaana ay caan ku tahay kulliyadeed Maareynta ganacsiga oo ah tan loogu jecelyahay caalamka, waa jaamacadda loogu jecel yahay gudaha dalka Ingiriiska iyo Waliba dhammaan qaaradda Yurub.
5. Waxaa Shanaad ku jira Machadka Technolojiyada ee California waxaana lagu magacaabaa (California institute of Technology) waana jaamacad loo leeyhaay si gaar ah waxayna ku taalaa gobolka California ee dalka Mareykanka waxaan la aasaasay sanadkii 1891-kii waana la dhigtaa tan iyo markii uu caalimkii reer Masar Axmed zol uu ka qaatay abaal marinta Cilmiga kiimaa’iga sanadkii 1999.
6. Waxaa lixaad ku jira Jaamacadda CAMBRIGE waxaa lagu tiriyaa inay tahay jaamacad kasoocan uguna caansan jaamacadaha Adduunka, waxaana la aasaasay sanadkii 1209 Waxayna xubin ka tahay Ururka Jamaacadda ee RASAL waana jaamacada labaad ee ugu horeysay jaamacadaha dunida ee ku hadala luqada Ingiriiska waana mid ka mid ah kuwa loogu jecelyahay Caalamka waana mid ka mid ah kuwa ugu qaalisan Caalamka.
7. Waxaa kaalinta Todobaad ku jira Machadka UCL (UNIVER CITY COLLEG) oo ah magac ay ku mideysan yihiin jaamacadaha London ee ku yaala dalka Ingiriiska, waxayna xarunteedu ku taalaa Magaalada caasimada ah ee London, waxaana ka mid jaamacadda London oo ka mid kuwa ugu horeeyay Caalamka waxayna magaceeda ku bilowday kuliyadda London ilaa iyo hadane way wadataa Magacaas laakiin waxay wadataa imnika magaca jaamacadda kaas oo caan noqday, waxayna caan ku tahay in aan Ardayda loo kala qaadin isir dhalasho, madhab iyo wixii la mid ah oo waa isku mid ayaa loola dhaqmaa dhammaan Ardayda dhigata Jaamacaddaasi.
Waxaana iminka ka shaqeeya Jaamacadaas shaqaale kor u dhaafeysa 25-kun oo shaqaale iyo Arday isugu jira waxayna ku jirtaa kuwa ugu caansan caalamka marka jaamacad la soo hadal qaado, waxaana lagu qiyaasaa miisaaniyadeedda inay dhantahay 600 oo Milyuun oo ganiga istarliinka ah, waxaana ka qalin jabiyay dad badan oo caan ah iyo qaar kale oo xilal badan ka soo qabtay dalka Ingiriiska.
8. Waxaa kaalinta Sideedaad ku jira Machadka EMPERIAL COLLEG oo isaguna ah Machad aad u horumarsan oo leh shahaado Caalami ah, waxaa lagu bixiyaa Shaadooyinka ugu caansan dunida, waxaana ku jira taqasusyada ay ka mid yihiin Caafimaadka, Siyaasadda iyo waliba Diplomasiyadda waa machad ay ka soo qallin jabiyeen dad caan ah oo ku jira Siyaasadda, waana mid ka mid ah Machadyada ugu qaalisan caalamka marka la eego lacagta lagu dhigto.
9. Jaamacada Sagaalaad waa Jaamacadda YALE UNIVERSITY waa jaamacad gara loo leeyahay waxay ku taalaa gobolka Kanictikit ee dalka Mareykanka waxaana la aasaasay sandkii1701 waxaana ka qalin jabiyay dad aad u tiro badan kuwaas oo ku kala firirisan Caalamka, waxayna xubin ka tahay hayadaha ugu waa weyn ee Waxbarashada Adduunka, waxayna gaareysa Miisaaniyadeeda ilaa 22.8 Bilyuun oo Dollar waxaana lagu tiriyaa inay tahay mid ka mid ah Jaamacadaha ugu qaalisan Caalamka balse waxay ku jirtaa kuwa ugu tayada badan Adduunka.
Waxaa ka shaqeeya Jaamacadaan 19 qofood oo haysta abaalmarinta Caalamiga ah ee Nobel waxayna ka koobantahay 12 Kulliyadood oo Ardaygu uu ku gaaro Shahaadada Bachelor-ka marka uu dhigto Afar sanadood, waxaa kale oo ay leedahay kuliyadda daraasaadka sare ee Fanka iyo Culuumta oo ay dhigtaan Ardayda, dooneysa Shaahaadooyinka Majester-ka iyo Digtooraha, waxayna bixisaa sanad waliba in ka badan 2000 Maaddo oo loo dhigo Ardayda dhiganaysa Shahaadada bachelor- ka waxaana inta badan qata shaadadeeda dadka lacagta haysta ee ah Qaniga iyo waliba dadka ka shaqeeya Jagooyinka dowladda kuwaas oo awoodda inay iska bixiyaan lacagaha aadka qaaliga u ah ee lagu dhigto Jaamacadaan, Macallimiinta wax ka dhiga Jaamacaddaan waa kuwa ugu mushaarka badan Adduunka, waxayna qaataan lacagta ugu badan ee uu ku shaqeeyo qof Macallin ah.
10. Jaamacadda 10-aad waa Jaamacadda HARDFARD ee dalka Mareykanka waana jamaacadda ugu Cimriga weyn jamaacadaha ku yaala Caalamka, waana tan ugu horeysa ee ugu horumarsan Caalamka, waxayna ku talaaa Magaalada Cambridge ee gobolka Mesa jutes ee dalka Mareykanka waxaana la aasaasay sanadkii 1636 waxaana ka soo qalin jabiyay jaamacadaan dadka ugu badan ee adduunka heesta Abaalmarinta Nopel-ka iyo waliba abaalmarinnada kale ee Caalamiga ah ee ay ka midt ahay Oskar waana tan ugu weyn caalamka marka la eego masaaxad ahaan dhulka ay ku fadhiso iyo waliba qalabka yaalo gudaha Jaamacadaan, waxayna la heer tahay ama ay ka facweyn tahay Jaamacadaha Cambridge iyo Oxford ee dalka Ingriiska.
Jaamacadani Waatan ugu adag marka ay galayaan Ardaydu sida ay ku helaan waxayna kaalinta shanaad kaga jirtaa jaamacadaha ay adag tahay inay iska diiwaan galinyaan Ardaydu, waxaana ka mid ah kuliyadaha Jaamacadaan kuliyadda Caafimaadka kuliyadda Ingneerinka, kuliyadda Tarbiyada, Maamulka iyo qaanuunka waana tan ugu qaalisan ee lacag lagu dhigto waana mid aad u hormarsa marka la eego qalaabka ay ku qalabeysan tahay ee loogu tala galay Cilmibarista.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment