Waxaa dhacda marar badan in meel aad kusoo talo gashay in sidaad ka sugaysay uu noqon waayo, waxaa laga yabaa in wakhti aad iyo aad u badan aad ku isticmaashay sidii aad usoo gaadhi lahayd meeshaas iyada ah. Waxaa laga yaabaa inaad qof meel kula balanto, meeshii markaad tagto kadibna aad ogaato in qofkii uuna kuu iman karin. Meel aad waxbarasho u tagaysay ayaad tagtay adoo safar dheer usoo galay, kadib markii aad timid kadib ayaa lagu sheegay in maanta cashar uuna jirin oo lagu iloobay in lagu soo sheego.
Tusaalayaashu aad ayey u badan yihiin, hadii intaa aan sheegay oo dhan aad garatay waxaa hubaala in ciwaanka maqaalka aad fahantay. Hadalka ugu horeeya ee aan lasoo boodno waa Lugooyo ayuu ahaa socodakaasi, maxay iga soo lugooyeen iwm. Waa runtaa oo socod kaa khasaaray oo lugooyo ah ayuu ahaa socodkaasi, waa hadii aad u eegto dhankaas oo aad ku fikirayso wakhtigaas wax kalaan uga faa’iidi lahaa. Hadaba ka waran hadii aad dhanka kale ka eegto oo aad joojiso inaad dhinaca xun ka eegto.
Tusaale:
socodkaas aad soo socotay saw ma ogid in jidhkaaga iyo naftaaduba ay u baahnayd, waxaa lagayaabaa in aadan hesheen socodkaas oo kale maalintaada oo dhan, saw ma fiicna in aad u eegto inuu kuu ahaa faa’iido oo aad jidhkaagii usoo raaxaysay. Waxaa laga yaabaa in intaad dhexda kusoo jirtay aad la kulantay dad badan oo kala nooca, qaar waad u qososhay, qaarna waad salaantay, qaarna waad caawisay. Salaamu calaykum qof aad ku tidhi oo kaliya ayaad ajar soo xeraysatay, qof ay ka jajabnayd oo aad u qososhay ayaa lagayabaa in maalintiisii oo dhan aad soo badbaadisay, adoo cadhaysan ama diiqadaysan ayaa laga yaabaa inaad baxday, markaad albaabka kadagtayba waxaad aragtay ilmo yar oo kuu qoslaya kadibna adoon is ogayn ayaad uqososhay halkaana aad ku ilowday diiqadii ku haysay. Hadaba saw ma fiicna in aad iska dayso fikirka ah, hadii wixii aan u baxay aanan soo gaadhin socodkaygaasi wuxuu ahaa lugooyo oo waxba kama soo faa’iidin.
Ereyga lugooyo micnahiisa markaad u fiirsato wuxuu noqonayaa lugtii ayaa isoo go’day, kawaran markad aad u isticmaasho ereygaasi raadka uu ku yeelanayo noloshaada. Dabcan kuma odhanayo sidan markasta u fikir iyaday fiican tahay in loo fikiro, waan ogohay inaynu baniadam nahay, markasta oo aad dareento diiqad kadib markaad la kulantay lugooyo ee uu ciil kaa qabto socodkii ama xoogii ama maalkii kaa baxay isku day inaad dhinaca kale ka eegto oo aad baadho wixii aad kasoo faa’iiday. Qaacido ayaa jirta odhanaysa koobka biyuhu ku jiraan inta aad eegi lahayd intiisa madhan u fiirso inta buuxda ee biyuhu ku jiraan, waxaa hubaala in aad dareemi doonto daganaasho iyo xasilooni markasta oo aad la kulanto arintan. Ugu danbayntii ogow in noloshaada wax lugooyo ahi uuna ku jirin.
WQ: Anisa Sh Ibrahim
anisa@khadijahome.com
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment