Jahwareerka guurka waayahan danbe. Q2aad

Saturday 26 January 20130 comments



       

Waxaa wayadan dambe aad uso badanaya Rag&Dumar isu faaanaya oo midba ka kale ku doodamayo Raga idinka fican ama Dumarka idinka fican wax xaqiiqada ka hadlaya Rag&Dumar arki mayso raggina dumarki hor boodayaan waxad moodaa inuba ka lumay dariiqi loo mari jirey guurka ama habkeey u wada dhaqmi lahayeen ama u wada Hasaawi lahaayeen.Waxad arkeysaa Niman&Gabdho ku odhanaya Iam looking for the right persoon waxa dhici karta dadkan sidan u hadlaya ayba ka ag dhow tahay Gabadhau radinayo ama ninkeey raadineyso balseanba garanayniin qaabka wax loo raadiyo iyo wadadi loo mari lahaa waxadba mooda inay ka indho la'yihiin sababtuna waxay tahay guurka oo aan loo arin sidi illaahay iyo rasulkisa scw ina fareen.

Ma tahay Nin akhyaar ah illaahay ku xiran kitabka iyo sunaha nabiga scw ku dhagan!!

1-Ma tahay nin qaadi kara masuuliyadi illaahay ka saarey qoyskisa aabo wanaagsana noqon kara!!

2-Ma tahay nin oofin kara balanta iyo axdigu la galay lamaanahisa iyo waalidkeed ma tahay nin amaanada illahay siduu farey u gudan kara!!

3-Ma tahay nin diyaar u ah inu saacido lamaanatisa markey xanuunsato iyo markey xaamilka tahay iyo markey umusho ka dib!!

4-Ma tahay nin rerkisa iyo isaguba isku filan isku kalsoon caqli badan nin deeqsi ah kharti leh rerkisa baahidooda ka aradtiri kara!!

5-Ma tahay nin la jecel xaaskisa wixii u naftisa la jecleysto mise bakhayl ayad tahay naftisa kaliya u roon!!

6-Ma tahay nin Romatic ah xaaskana sida looga farxiyo loona raali galiyo yaqaan!!

7-Ma tahay nin qadarin iyo xushmad u haya xaaskisa sirtedaana u xifdin kara!!

Talo ku socota Nimanka calaf doonka ah.

1-gabadha aad reerkooda ka guursanayso sifican ugu dhaq axdiiga aad waaliidkeega la gasho oofi waxa la idinka rabaa inaad gabadhoda sifican ugu dhaqalaysan sida aad u jeceshay walaasha ninka aad siiso inu u dhaqo ugu dhaq gabadhoodana, waaliidkeedna ugu roonnow sida aad waaiidka ugu roon tahay.

2 - Noqo nin illahay Swt ka baqanaya ka fogow waxi u ka xarimaay raacna waxu ku faray Alle swt iyo Rasuulkisu SCW, kaga daayo Rasulkaagi sharafta badna hab dhaqankisi akhlaqdisi iyo sidi wanaagsana ee ula dhaqmi jirey xasaaskisi ''HOOYADI MUMINAATKA.Alle haka wada raali noqdee''..Rasulka SCW xadiis tirmidi kaso wariyey oo saxiixa aya aheyd Nimankina waxa ugu khayr badan ninka dumarka ugu wanaajin badan oog,Aniguna ninka dumarka idin kugu wanaajin oog ban ahay..Waxa Nimanka somaliyeed laga raba inaay raacan wadadi xabiibkena Muhamad SCW kagana daydaan akhlaqdisi wanaagasana.

3- Arimahaan so socda qoysas badan ayaa ku burburey ee iska ilaali xaaskaga ha dulmiin wajiga haku dhufan hadalo xunxun oo lidi ku ah haku oran aqalkana ha uga hijroonin ee gurigaga meel kamida seexo.

4-Niman waxad arkeysa gabadhisa la tiirsanaya gurigi buuq iyo qaylo ka dhalinaya iyagi iyo caruurti isla buuqaya taasi waa qalad.a ninku wa amiirka reerka waxana laga raba inu ka caqli roonado marwadisa lana buuqin lana caytamin lana tirsaniin wajigana ku dhufanin dhaawac u geysan caruurtuna kugu arkin adigo dilaya ama la tirsanaya hooyadood.

5-Waliga iska ilaali waxi illahay swt idin ku amrey Qu'raanka kariimka inaad dhayalsatan sida maanta niman somaliyeed badankogu ka siiman yihin xaga bixinta meherka waxad arkeysaa qaar markey isku dhacan lamanahiisa kala tagaya xaqeegi oo u xoog sheeganaya ama ka xishoodsinaya miskiinti waxay xaqa u laheyd''Nimanka sida u dhaqmaya ma oga inay ku siifobayan...xadiiski Rasulkena SCW laga so wariyey ee ahaa''Illaah agtisa makhluuqa kuwa ugu Dambiga weyn waxa weeye waa Nin gabadh guursaday ka dib marku xaajadisa ku gutay u iska furo ka dib meherkegi is kala tagay.''

6-Aan su'aal ku waydiyo walalkayga muslimka ahow maxa ku diday inaad guurkaga ku dhisto run iyo daacad Alle ka cabsi maxa kugu kaalifay inaad been ku dhisto guurkaga oo gabadh walaashada ah been ugu soo xero galin!!Ma u malayneysaa in rerkagu kusii dhisnaani doono?Beentu waa mid illaahay inaga xarimey mucjisana laga arkey dadki beenta sheegey ee balaayada u yedhanaayeey in dhab ugu dhacday....Xadiiskan Nabiga ''SCW'' laga so wariyey waad wada maqasheen waxu yiri SCW runta la sheego jidka toosan ayey kugu ridaa jidka toosana waxay ku geeysa Janada,Beenta la sheego waxay kugu ridaa jidka xun jidka xunna waxu kugu ridaa naarta... Maxaa kuu diiday walaalkayow inaad runta ka dhigato gaashan carabkagana ku tarbiyeyso run sheegida!!Aan su''aal ku waydiyo walaalkayow adigo qaawan miyaad banaanka u bixi kartaa jawaabtu waa maya maxa ku diday inaad runta ka dhigato sida dharkaga uga marmi karin oo kale !!...Waxan la yaabaa oo aan aad uga naxaa ragg illaahay nicmadisa ugu deeqay ka been sheegay haduu damco inu guursado gabadh kale been u sheegaya ama ugu dhaaranaya inu xaas kale jirin waxa dhici karta raggasi in illaahay u qadarey calafkisuna noqday inuu guursado 2.3 ama 4taaba kuna hagaajiyey dumar baariyin ah raalina ku ah xasaaskooga nasibka wanaagsan ee illaaahay raggasi siyeey waa kuwa badankoodu beenta ku guursada rerkisuna dayacan yihiin waa kuwo aan naftoda ku kalsooneyn illaahayna talada saaran, waa ragg nicmadi illahaay siiyey aan garanayninba sida loo guto ama loogu shugri naqo waa ragga sida fudud gacantisu u soo gasho gabadh wanaagsan oo baariyad ah si fududna gacantisa uga baxdo waa ragg aanba aqoon shugrinta iyo mahadnaqa Alle, waa imtaxaan Alle swt nin ba waxbaa lagu imtaxaana,waxa jirta ragg akhyar ah una qalma inuu guursado 2.3.ama 4taba dacaadna ah balse illahaay unbaa qadarin inu guursado 1 xaas wax ka badan hadh iyo habeenna ugu shugri naqaya Rabbigi swt , Alle SWT haka baqaaan ragga nicmada ku jira hana u cadaalad falaan xasaskooda runtana haku guursadaan nicmaday aduunyada ku haystaan aakhiro la is warsan doonaa sidu illaahay ba ayadan ku sheegey Al-takathur(1-8) ee Alle subhanahu watacala ku leeyahay.. (ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النّ...َعِيمِ ) waxaana la idin warsan maalintaas Nicmadi.Wuxuu kalo yiri Eebe kor ahaye..Haddaad dhab ahaan wax u ogtihiin(waad dayn lahaydeen xumaanta)...Ayadani waxay ka hadleysa nicmadii Addunyada lays waydiin doono, waa in lagu shugri naqaa balse aan la noqon faan badane isla weyn... Ragga qaar ku faana xasas kisa badan caruurtisa badan xoolihisa badan iwm...Ragg qaar waxad arkeysa ku oranaya waa inaan hebel oo kale la mid noqda oo aan guursadaa 2.3 ama 4 taba hebelkaa u sheegaya ma oga sidu xasaaskisa ugu cadaalad falo waxa dhic karta ninkan u la tartamayo inu yahay nin naftisa iyo ta rerkisa ku filan isku kalsoon deeqsi ,caqli iyo karti illaahay ku manaystey oo rerkisa ku dhaqaya sidu illaaha ayadisa ku farey surata illahay ku yiri waxi gacantinu hanatay guursada 1,2,3,4 hadaad ka baqdaan inaydaan u cadaalad falin midkina ku eekaada.

Wasalaamu calayykum waraxmatullahi wabarakatuhu,alxamdulilah wasalatu wasalamu calaa rasulilahi(scw) Wabilahi towfiiq

WQ: Zainab Maxamed


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved