Inaad i canaanato wax kuuguma sheegan.!

Saturday 26 January 20130 comments



Dad badan oo inaga mid ah waxaad moodaa inay jaamacado uga soo baxeen sida dadka loo canaanto, qof ayaa khalad samaynaya kadib wuxuu u baahan yahay qofku cid uu kala sheekaysto wixii uu sameeyey, wuxuu u tagayaa qof walaalkiiya oo uu isleeyahay hakaa saaro diiqadan iyo hammigan aad gashay, hadalkiiba qofkii oo aan dhamayn waxaa laga horgeynayaa canaan iyo qaylo aan wax tarayn maanta, qofkan walaalkaa ahi markuu kuu yimid ee uu kuu sheegayo waxa gubaya wuxuu kuugu yimid sidii aad u qaboojin lahayd ee kuuguma uu iman inaad canaanato ama aad ka quusiso raxmada Ilaahay oo aad albaabada kasoo xidho.

Tusaale: waxaa kuu yimid ilamahaagii oo ay isa soo dagaaleen ilmo kale, sheekadii iyo wixii ay isku laayeenba adoon dhagaysanba waxaad ka horgeynaysaa... doqon yohow maad iska celisid qayrkaa... iwm... intaad canaanta ka horgeynaysid maxaa diidaya inaad dhagaysato miskiinkan ama miskiintani waxay dareemayaan... ciilka ka buuxa ee uu rabo inuu iska soo saaro maxaad ugu sii siyaadinaysaa ciil kale iyo inuu iska qoomameeyo  inuu wax kuu sheegtaba. waalid badani waxay ka calaacalaan caruurtoodu inayna waxba u sheegan oo ay banaanka kasoo maqlaan mashaakilkooda... wali ma is waydiisay waayo... dibse ma ugu fikirtay markii ugu danbaysay ee uu wax kuu sheegto sidii aad ula dhaqantay... caruurbadani waxay cudurdaarka dhigteen... maxaan waalidkay wax u sheegaa afkaaba la i goosane sideen wax ugu sheegaa... heerkaad gaadhsiisay ilamahaaga ma aragtaa... ilmahaagu inaad canaanato wax kuuguma uu sheegan ee inaad ka caawiso dhibta haysata ayuu kuula hadlayaa, hadii aad fahmi waydo markaa oo aad tahay waalidka canaanta kala hor yimaada mashaakilkooda ogow inaad hadhow qoomamayn taas. Markastuu ilamahaagu mashaakil kuu sheegto dhagayso oo ka gur sheekada markaa kadib wixii aad kula talin karto ama u qabana karto u qabo... waxaad arki doontaa isagoo saaxiib wanaagsan kaa dhigtay hadhow.

Qofka banii adam ka ahi wuxuu markasta u baahan yahay cid uu kala sheekaysto humuumtiisa iyo maalmiihiisa, hadii aan kuugu imid inaan kula sheekaysto macnaha ha u badalin adigu inaan kuugu imid inaad i canaanato, waxaa hubaala in ku filan naftayda inaan soo canaantay, naftu waxay u baahan tahay markaas oo kale cid dhagaysta oo ka gurta waxa ka dhex guuxaya. Markay saaxiibadaa u baahato cid ay kaga soo yara cararto mashaakilka aduunka maxaad uga horgeyanysaa canaanta iyo maxaad sidaa u samaysay iyo maad walaatay.... halkeed ku maqnayd.

Inaad waaniso walaalkaa waa wax loo bahan yahay waanaduse maaha canaan ee waa sababta uu kuugu sheeganayo qofkani hammigiisa, hadaba maxaa inoo diidaya inaan is dhagaysano kadibna is waanino, halka aynu ka wada nahay maanta boqorada wax canaanta ee dadka afka goosta iyagoon dhagaysanba mushkiladu meesha ay ka timid.

Qofna kuuguma imanayo inaad canaanto haduu qofkani canaan rabo si toosa ayuu kuugu sheegi lahaa. Ninkaaga oo aad adeeg u dirsatay kadibna aan kuu wada keenin intaad canaan iyo buuq ka horgeynayso maad waydiisid sababta, xaaskaaga oo maalin ku diiday intaad canaan iyo buuq ka horgeyn lahayd maxaa kuu diidaya inaad ogaato sababta, ilamahaaga oo wax kharibay intaad canaan iyo dhirbaaxo ka horgeynaysid maxaa kuu diidaya inaad wax u sheegto adoo dagan. Canaantu waxay kala dishaa laba kasta oo is jecel, mar iyo laba jeer qofkii wax kuu sheegta ee aad canaan ka horgeyso adoon dhagaysan ogow in qofkaasi uu qalbigiisa kaa xidhan haba ahaado qofka kuugu dhowe.

Intaa waxaynu ka calaacalaynaa mashaakil qoys iyo wada hadal xumo. Hadii midkeenii khaldamaba canaan iyo buuq laga horgeyn intaan la dhagaysanba oo ay nu wada noqono dad is wada canaananaya oo aan hadalba iska sugin, qoysaskeenu halkay ka hagaagi, goormay ubadkeenu wax inoo sheeganayaan hadii aynu nahay waalidkii afka goosanayey ee aan waxba loo sheegan karin. Cidna inaad canaanato wax kuuguma sheegan ee isdaji si aad u dajiso kuwa hareerahaaga jooga, kadibna ay wax kuugu sheegtaan hana noqon aabo loogu yeedho kaliya inuu caruurta canaanto markay khalad sameeyaan ama hooyo dadka afka goosata....!


WQ: Anisa Sh Ibrahim
anisa@khadijahome.com

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved