Layaab ka Aduunka: Sawir Uu Sawiray Daanyeer Artist ah Oo Lagu Kala iibsanayo Aduun Lacageed Oo Gaaraayo Kun Dollar

Tuesday, 29 January 20130 comments


Clay Oo Wax Sawirayo (Foto: The Mirror)


Daanyeerkan oo lagu magacaabo Clay, wuxuu awoodaa inuu wax u sawiro sida bani adamka oo kale tusale hadan u soo qaadano sida amin amir (amin arts). Sawirada uu sawiray daanyeerkaan ayaa waxaa lagu Kala iibsanaayaa suuqyada lacag gaareysaa USD$ 1,000 kun dollarka mareykanka ah.

Clay wuxuu leeyahay hobi ah inuu wax sawiro, uuna riinjiyeeyo. Lakin sida caadiga u ah artist yaasha kale, daanyeerkan oo 25 jirka ah  ma jeclo inuu wax ku sawiro meelaha la buux-buuxo.

" Wuxuu jecelyahay inuu wax sawiro markey dadka dhan ka kala tagaan, waxaan tusinaayaa kaliya wadada, kadibna waan isaga tagaayaa markaan u soo laabtana waxaan imaanaaya asagoo dhameeyay sawirista oo qatar ah. ayuu yiri  photographerka lagu magacaabo Mika Roberts, sida lagu daabacay mirror, Isniinti (28/01/2013)".

Daanyeerkaan Oo Lagu Magacaabo Clay Waxaa lagu ilaaliyaa amaankiisa alam Florida, midhaa waxa laga baqayaa in laxado daanyeerkaan bani adamka camal wax u sawiraayo.

Awalkiisa hore waxaa laga helay daanyeerkaan xariifka ah laboratorium lagu magacaabo The Dungeon Oo lagu daweynayay marlaga soo qabtay duurka asagoo tabcaan ah.



W/Q: Adan Yo


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved