Waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa Suugaan kaftaneed dhax maray Madaxweynaha Maamulka gooni go'a daneenaya ee Somaliland iyo Hogaamiyaha Xisbiga Mucaarudka Ucid oo isna ka dhisan Somaliland.
Faysal-Hadii ay Labada Daraf Deegaanadeenii degmo degmo u dirireen nabadiina diideen Sideed Udabiibi doontaa?
Siilaanyo-Dagaal waan ka digayoo dib unoqsho weeye gogol daar dugsoon taal waa taan dul dhigaye danba cidi kamay dayin
Faysal-Dowladeeni taagnayd inaad maanta dumisay dood miyaad ka leedahay?
Siilaanyo-Wakhtigaa is daba mara dabaylaha aduun baa doc kastaba ku geeyee Dulucdaadu waa maxay?
Faysal-Dowladnimo Ha Joogtee Dunidaa Dadkeedii Digniin Soo dul Dulsaartoo Ka Dareera nagu Tiri taa ma diidi doontaa?
Siilaanyo-Adigaa degdegayoo dib u dhigan xiskaagee dawgu waa halkiisii wayna duuli doontaa waana kaa da.weynahay
Faysal-Somalidii aan diidnee daanta kale ka daganayn miyaad doorkan maanta ah dawo kale u haysaa?
Siilaanyo-Somalinimo ma Diidine danaheena gaariyo waxaan waday dadaal dheer da.yartiyo duqayduna way wada dayaayeen
Faysal- Libaaxa Daarta jiifee Dadweynuhu ka qaylyeen ee dabranaaya dumarkee dimoqradiyadii dhaawacay ma adaa u Daacada?
Siilaanyo-X.waa nin dooroo dalka maamulaayoo darajadaan duldhigaybuu dhex dabaalanayaa oo daryeele weeyaan
Faysal-Doorashii dhaweydee daacadnimo ka durugtee danbigeedu waynaa sideen kaga dawoownaa?
Siilaanyo-anigaa dabarayoo way ka sii daraysee daboolka haka qaadine horta soo dabaal baro
Faysal-Dabkaa Xamar daarmee lagu wada diirsaday miyaan dacal ka raacnaa?
Abwaan Cabdulaahi ibrahim Cabdi (Mureec)

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment