Xiliyada Inta Badan Ay Isku Dhacaan Lamaanaha Oo La Ogaaday Waxbixin Muhiim Ah

Tuesday 11 December 20120 comments


Waxa jira waqti uu guur kasta galo xili xasaasi ah oo daciifiya jacaylka ka dhexeeya lamaanaha isqaba
Daciifnimadaas la soo darista lamaanaha ayaa ah caqab dhowrkii sano mar soo noqota.

Caqabadaaas waxa ay noqon kartaa mid aad u xoogan oo kala dirta labada isqaba ama mid fudud oo ay si sahlan ku xaliyi karaan.

Markaa hadii lamaanuhu isu diyaariyaan, ogyihiina in ay in ay galeen xiligii la isku dhacayay ayaa waxa ay ku dhaafayaan xaaladaas si fudud.
Xiliyada kala duwan ee uu isku dhaco yimaado ayaa u soo kala horeeeya sidan:

  • 2 sano

Marka lamaanuhu is qabaan laba sano ayaa waxa ka dhex dhasha iku dhaca ugu horeeya. Waana xiliga uu jacaylkii badnaa ee la isu qabay yaraado. Waxana ay galaan lamaanayaashu xiriir cusub oo ka qoto dheer kii hore.

Xiriirka ayaa noqonaya mid sii xoogaysta laakiin uu roomanti-gii daciifayo. Xiligan ayaa waxa idinka xanaajiya arimo yar yar sida ninka oo uu sigaar ka soo uro ama hawaynada oo telefoonka kuyara daahda.

Waxa haboon in aad isku daydaan in aad is fahantaan, isna dhegaysataan.  Si daacadna uga wada hadashaan dareenkiina aad qabtaan ee ku saabsan xaaladaha aad ku jirtaan.

  • 5 sano

Lamaanah ayaa hadana seddex sano ka dib gala xili adaga oo wata culays u gooni ah. Waa hada marka la dhaho lamaanahani waxa ay is qabeen shan sano oo waxa ay galeen xili adag oo khatar ku ah wada joogooda keeni karana in ay kala tagaan.

Xligan ayaa lamanaahu waxa ay aad ugu mashquulsan yihiin sidii ay u samaysan lahaayeen kaariyeer (horumar shaqsiyan ah), waqti badana galiya asxaabtooda, caailadahoodana caawiya.

Waa xili wax kasta ay noqdeen caadi oo xiisuhu dhamaaday, dareenkii ku salaysnaa in la isa soo jiito oo la is kool kooliyana yaraaday. Isku daya in aad isk farxisaan, isu samaysaan wax aad iskaga dhigaysaan surprize. Hana u arkin lamaanahaaga mid aad markasta adigu leedahay ee biyaha u badi geedka jacaylka ee aad wada beerteen.

  • 10 sano

Shan sano ka dib, marka guurkii dhacay, caruurna la dhalay ayaa waxa bilaabmaya su’aal cusub oo ah “ma sidan ayuun bay ahaanaysaa noloshu?” In su’aashaas iyo kuwa kale oo badan ay lamaanayaashu iska waydiiyaan xaalada ay ku jiraan ayaa ah mid caadi ah, yimaadana marka la isqabo 10 sano.

Aad u qiimeeya xaalada aad ku jirtaan iyo arimaha aad caado ka dhigateen. Ma jeclaan la hayd in aad si fudud u lumiso waqtigaa qiimaha badan ee aad la qaadatay lamaanahaaga?

  • 15 sano

Waqtiga ugu dambeeya ayaa ah marka la isqabo 15 sano. Waa waqti soo koobaya xaaladaha kala duwan ee la soo maray, caruurtiina ay waa waynaadeen, waqtina la isu helayo. Waa waqti lamaanayaashu helaan fursad au ku gaadhi karaan waxa ay ku jeclaan lahaayeen in ay noqdaan.

Mana haboona in la is ilaawo oo xooga uu saaro lamaano kastaa waxa kaliya ee xiisaynayo. Hadii uu lamaanuhu noqdo mid naftiisa oo kaliya ka fikiraya ma u fiicna xiriirka ka dhexeeya labada is jecel.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved