Oday Aan Dhalin Wax Carruur ah Mudo 20-Sano Wiilkii Ugu Horeeyay Ee U Dhashayna Lagu Qabsaday Qiso Naxdin Leh.

Monday 10 December 20120 comments


Sheeko Naxdin iyo layaab leh ayaa maalinkii shalay waxaa ay ka dhacday Xaafada Soonakey ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir kadib markii nin oday ah oo mudo 20 sano ah wax dhalin oo Cunugiisii ugu horeeyay lagu qabsaday in uusan dhalin.

Ninkaan odayga ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa la sheegay in uu soo guursaday ugu yaraan 10 haween ah balse aysan dhamaantood waxba u dhalin hayee shee sanadkaan aynu kujirno ayuu guursaday haweeney kale isagoona ku duceystay in ay caruur u dhasho.

Ninkaan odayga ah oo tii xumeyd ka taagneyd xaga caruur dhalida ayaa haweeneydiisa waxaa ay bilo ka hor u sheegtay in ay uur uleedahay waxaana maalinkaasi la sheegay in ay u heyd maalinka ugu farxada badneyd aduunka .

Haye she maxaa dhacay maarkii maalmo ka hor haweeneydii uu qabay ay u dhashay wiilkiisii ugu horeeyay kaasi oo la ogaaday in uusan isagaba dhalin.

Haweeneydaan wiilka u dhashay ninka odayga ayaa la sheegay in markii ay is guursanaayeen ay laheyd Uur hal bil ah uuna soo furay nin kale, balse aysan u sheegin ninka odayga in ay uur leedahay taasi oo ka shiftay markii uu gurigii yimid ninkii saxda ahaa ee wiilkaasi dhalay.

Ninkaan odayga ah ayaa dal iyo dibad gaarsiiyay in uu aad u faraxsan yahay loona dhalay wiilkiisii ugu horeeyay haye shee maalinkii shalay waxaa dhacday, in isaga oo korka kuhaya lana ciayaraya wiilkiisii ugu horeeyay uu guriga yimid wiil 25 jir ah kaasi oo ninkii odayga ahaa u sheegay in wiilkaan uu isaga dhalay aabihiisna uu yahay.

Naxdin iyo anfariir ayaa odaygii ku dhacay waxana xaaskiisii uu weydiiyay hadalkaan lama filaanka ah waxaana ay u sheegtay in wiilkaan uu dhabta ku haya uusan dhalin balse aabihii uu ninkaa yahay iyadoona u sheegtay in markii ay is guursanaayeen ay laheyd Hal bil oo Uur ah.

Ugu dambeyntii wararkii ug dambeeyay ee iiga imaanaya ninkii odayga ah ayaa sheegay in uu xanuun san yahay isla markaana uu aduunka ku arkay maalinkii ugu farxada badneyd iyo maalinkii ugu murugada badneyd waxaana haweeneydii uu qabay lagu tilmaamay mid aanan waxba ka aqoon diinta iyo dhaqankaba.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved