Wax Badan Ka Ogoow....Ninka Loogu Naaneeso Boqorka Kubada Cagta Pele.

Tuesday 11 December 20120 comments

Maanta waxaan eegi doonaa waxyaabo badan oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato ninka loogu naaneeso boqorka kubada cagta Pele. Halyeeyga reer Brazil ayaa magac weyn ku leh kubada cagta caalamka. Waxaana eegeynaa xaqiiqooyin badan oo xiiso leh oo ku aadan Pele.




  • 19kii November 1969kii, Pele ayaa dhaliyay goolkiisii 1000-aad. Boqolaal ayaa garoonka ku soo xoomay oo hareeyay xiddiga reer Brazil, waxa ay ku qaadatay 30 daqiiqo in ciyaarta dib loo bilaabo.


  • Kooxda Santos waxa ay u calaamadeysaty maalinta 19ka November maalinta Pele, iyagoo u dabaaldegaya goolkiisii 1,000aad.


  • 1967dii, 48 saacadood ayaa xabad joojin looga dhawaaqay Nigeria, si ciidamada dowlada iyo kuwa falaagada ay u daawadaan Pele oo ciyaaraya kaasoo booqasho ku tagay wadankaas.


  • Pele ayaa yiri 2006dii: “20 sanno waxa ay i weydiinayeen su’aal isku mid ah, yaa ugu fiican Pele ama Maradona? Waxaan ugu jawaabayay inaad fiiriso xaqiiqooyinka meesha yaala, meeqa gool ayuu ku dhaliyay lugtiisa midig ama madaxiisa?”


  • Markii Pele uu u ciyaarayay New York Cosmos ciyaartoy badan oo ka horimaanayay waxa ay doonayeen inay maaliyada ka qaataan, sidaasi darteed kooxda waxa ay go’aansatay ciyaar kasta inay ciyaaryahan walba siiso maaliyad Pele ah. “Pele waxa uu ahaa shaqsiga soo jiidashada leh” ayuu yiri Gordon Bradley oo markaas ka mid ah tababarayaasha kooxda. “Mararka qaar waxaan hore u soo qaadan jirnay 25 ama 30 maaliyado oo Pele ah, hadii kale nolol ugama soo bixi karin garoonka.”


  • Pele ayaa mar yiri:  “Rigoore waa si fuleynimo ah oo gool loo dhaliyo.”


  • Pele iyo Maradona ayaan aheyn kuwa isku dhow oo saaxiibo ah. 


Dhawaan ayaa Pele uu ka yiri halyeeyga reer Argentina: “Tusaale uma noqon karo da’ yarta. Waxa uu lahaa hibo uu kubad ku ciyaaro, waana taas sababtii uu nasiibka u lahaa.” Maradona ayaa ugu jawaabay: “Yaa kala jecel wixii uu Pele yiraahdo? Waxa uu mudan yahay in madxaf la dhigo.”


  • Kabtankii England u qaaday koobka adduunka Bobby Moore ayaa Pele ka yiri: “Waa ciyaaryahanka ugu dhameystiran ee aan abid arkay.”


  • Tarcisio Burgnich, daafacii Talyaaniga ee Pele raacday koobkii adduunka ee 1970kii ayaa ciyaarta ka dib waxa uu yiri: “Waxaan nafteyda u sheegay ciyaarta ka hor, inuu ka sameysan yahay maqaar iyo lafo sida qof walba, laakiin waan qaldanaa.”


  • Pele ayaa dhaliyay 92 seddexleey ama hat-tricks, 31 jeer ayuu afar gool dhaliyay, shan gool ayuu lix jeer dhaliyay, iyo hal jeer oo uu sideed gool dhaliyay.


  • Brazil ayaa ku dhawaaqday 1961kii in Pele uu yahay hanti qaran, si aan wadanka looga saarin ama uusan wadan kale ugu biirin.


Inkastoo intaan iyo in ka sii badan laga qori karo Pele hadana maanta intaas ayaan ku soo koobeynaa.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved